Dhaq-dhaqaaqa xoreynta NFD oo shir culus ku dhowaaqay

Gaarisa (Caasimada Online) – Sida lagu sheegay war lagu daabacay bogga Twiitter-ka ee Dhaqdhaqaaqa Xoreynta NFD, waxaa dabayaaqada bisha June-2019 dhacaya shir ballaaran oo lagu casuumay xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Sida qoraalka lagu sheegay, xildhibaanada iyo  Siyaasiyiinta lagau casuumay kulankan waxa ka mid ah:-

1 – Xildhibaan Aadan Barre Ducaale

2 – Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil

3 – Xildhibaan Cali Qorane

4 – Faarax Macalin

5 – Axmed Naasir

6 – Junet Maxamed

Shirka Aayakatashiga gobolka Waqooyi Bari – (NFD) ayaa waxaa sidoo kale ka qayb gelaya odayaasha dhaqanka iyo hoggaanka dhaqdhaqaaqa xoreynta NFD, iyada oo lagu faaqidayo dhibaatada gobokaasi ku jiro muddado dheer ee dhiacyada maamulka, horumarinta iyo tacadiga ay ciidanka Kenya ku hayaan xoolo-dhaqatada iyo guud ahaan dadweynaha gobolka.

Shirkan ayaa kusoo aadaya iyada oo Kenya ay ku lug leedahay muran badeed ku saabsan isku dayga Kenya ee qaadashada dhul badeedka Soomaaliya, oo muddo dheerna iskudeyeysay sidii ay u u milkin lahayd dhul aanay lahayn.

Xubnaha shirkan lagu casumaay ayaan weli wax hadal ah soo saarin oo ku saabsan inay shirk aka qeyb-galayaan iyo in kale.

Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah. 

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caaismada@live.com