Dib u dhac ku yimid shirkii DDS iyo 3 arrin oo hortaagan

Jigjiga (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Jigjiga ayaa sheegaya inuu dib u dhac ku yimid shirweyne looga hadlayo xaaladda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo uu qorshuhu ahaa inuu maanta si rasmi ah uga furmo magaalada Jigjiga.

Dib u dhaca shirka ayaa waxaa sababay saddex arrimood oo kala ah:- In ergoooyinka ka imaan lahaa dibadda uu ciriiri ku noqday waqtiga, Cabashooyin ka yimid asaxaatada siyaasadda iyo arrimo Farsamo, sida uu shaaciyey Maxamed Gaani oo ah guddoomiyaha guddiga qaban qaabinayo shirka dowladda deegaanka ee ka dhacaya magaalada Jigjiga.

Sidoo kale waxaa guul dareystay dadaallo soo socday saacadihii lasoo dhaafay, waxayna taasi sababtay inuu gebi ahaan shirku baaqdo.

Maxamed Gaani ayaa sidoo kale sheegay in illaa afar todobaad dib loo dhigay shirka, si xal looga gaaro tabashada ay muujiyaan qaar ka mid ah axsaabta dowlada deegaanka.

“Shirweynihii bulshada dowlad deegaanka Soomaalida waxaa dib loo dhigay illaa afar todobaad lana qaban doonno 22 iyo 23-ka October 2022, sababaha dib loogu dhigay waxaa kamid ah in ergooyin qurbaha ka imaanaya oo waqtiga cariiri ku noqday, cabashooyin yimid oo loo baahday in la xaliyo & howlo la xiriira farsamada” ayuu yiri Maxamed Gaani.

Dhankooda qaar ka mid ah hoggaanka xisbiyada oo arrintan ka hadlay ayaa wacad ku maray in aysan madasha tegi doonin inta laga xalinayo cabashada ay miiska soo saareen.

Shirkan ayaa waxaa looga arrinsan doonaa xaaladda dowlad deegaanka Soomaalida, xiisadda ka jirta Itoobiya iyo qorshaha siyaasadda ee maamulka haatan talada haya.