Dibad-baxayaashii lagu xiray S/L oo cuntada ka soomaay

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa sheegaya in weli ay taagan tahay xiisadda u dhexeyso mucaaradka & xukuumadda, kuwaas oo hawada isku marinayo hadallo kul-kulul oo uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee Somaliland.

Xoghayaha arimaha gudaha ee Xisbiga Waddani, Mudane Maxamed Faarax Cabdi oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda ay ku sugan yihiin dadkii dhowaan lagu xir-xiray dibad-baxyadii rabshadaha watay ee ka dhacay magaalooyinka Somaliland.

Wuxuu tilmaamay in dadkaasi illaa iyo hadda aan la soo taagin wax maxkamad ah, isla-markaana ay ku xiran yihiin sifo sharci darro ah.

“Maxaabiistaa Baki sharci darro ayey ku xiran yihiin waa kow, bishii 10-keedi ayaa la xiray nimankaas illaa iyo hadda wax maxkamad ah lama keenin waxaa ku tusineysaa ku tumashada sharciga inta qof la’iska qabsado halkaas lagu xiro,” ayuu yiri xoghayuhu.

Maxamed Faarax ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale qaar ka mid ah dibad-baxayaasha xiran ay hadda ka soomeen cuntada, gaar ahaa kuwii lagu xiray degmada Baki, halka kuwa kalena ay ku xanuunsanayaan gudaha xabsiga, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay xukuumadda iyo ciidamada Booliska inay xorriyaddooda dib ugu soo celiyaan dadkaasi, maadaama ay xiran yihiin dhowr iyo 10 cisho.

“Waxaa la soo sheegayaa inay cuntadii ka soomeen, waxaa la soo sheegayaa in ay qaar xanuunsanayaan sabab loo geeyey xitaa ayada oo jeelashii Hargeysa buuxin may oolin, marka waxaan ku baaqeynaa in si deg deg ah xuriyaddood dib loogu soo celiyo,” ayuu yiri.

Somaliland ayaa haatan wajaheyso xaalad cakiran, taas oo ka dhalatay muranka ka dhashay doorashada ee u dhexeeya xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda Biixi.