Muqdisho: Dibadbaxayaal dalbaday ansixinta Golaha Wasiirada.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay Banaanbax  looga dalbanaye Baarlamanka Soomaaliya inay ansixiyaan Xukuumadda cusub ee dalka Soomaaliya .

Banaanbaxan oo ay soo qaban qaabiyeen qaar kamid ah maamulada Degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa waxaa kasoo qeybgalay Dadweyne fara badan barbaarta gaashaaman Abwaaniin uu kamid yahay Cabdi Shire Jaamac (Ciyaarjecel) iyo sidoo kale garab kamid ah Ururka haweenka Soomaaliyeed.
Fagaaraha uu dibad ka dhacayay ayaa waxaa Saxaafada kula hadlay Cabdi Shire Jaamac (Ciyaarjecel) oo sheegay in ujeedka dibadbaxa uu yahay mid looga dalbanayo Baarlamaanka Soomaaliya inay meel mariyaan Xukuumadda cusub ee Soomaaliya.

Cabdi Shire Jaamac (Ciyaarjecel) Wuxuu sheegay in Xukuumadda cusub ee Soomaaliya ay tahay Xukuumadda kooban oo ka duwan Xukuumadihii dalka soo maray tayada iyo tiradana ay yihiin kuwa isku dheelitiran.

Guddoomiyaha Garab kamid ah Haweenka oo lagu magacaabo Batuulo Axmed Gabale oo halkaasi iyana saxaafada kula hadashay ayaa ugu baaqday Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya inay ansixiyaan Xukuumadda Dr Saacid.