Dibadbaxyo ka bilowday Mareykanka kadib markii ay booliska dileen nin madow

Kenosha (Caasimadda Online) – Wadanka Mareykanka waxaa laga soo sheegayaa in dibad baxyo ay mar kale bilowdeen kadib booliska gobolka Wisconsin ay toogteen nin madow ah.

Booliska ayaa rasaas badan la dhacay ninka madowga ah oo magaciisa lagu sheegay Jacob Blake, waxaana hadda xaaladiisa lagula tacaalayaa  isbitaalka.

Baraha bulshada ayaa lagu shaaciyay muuqaal muujinaya dhibaatada loo geysanaayo Mr. Blake, waxeyna arintaan ka dhacday magaalada Kenosha.

Qalalaase xoogan ayaa ka dhashay toogashada loo geystay ninka madowga ah, waxaana magaalada lagu soo rogay bandow deg-deg ah oo kaliya ku siman xilliga hebeenkii.

Inkastoo dad badan ay soo banaan baxeen, kuwaas oo dab qabadsiiyay gawaari hadana booliska waxey soo saareen digniin adag oo ku socota ganacsatada, waxaana laga cabsi qabaa in dadka dibad-baxyada sameynaya ay goobahaas dhibaato u geystaan.

Booliiska waxey isku dayayeen iney ka hortagaan dibad-baxayaasha iyagoo isticmaalaayay sunta dadka ka ilmeysiisa.

Si kastaba dunida oo dhan waxaa gilgilay dil loo geystay George Floyd intii lagu jiray sanadkaan, markaanna waxaa baraha bulshada dhan ku baahay magaca Jacob Blake iyadoo la codsaday in la maxkamadeeyo askartii dhibaatada geysatay.