R/wasaaraha cusub ee Somalia oo laga teegaray Kismaayo iyo Baydhaba

Kismaayo (Caasimada Online) Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo ee gobalada Jubbada Hoose iyo Baay waxaa maanta oo Axad ah ka kala dhacay dibadbaxyo lagu taageerayo raysal wasaaraha cusub Cabdiweli Sheekh Axmed.

Boqolaal qof oo u badan dumar iyo carruur oo sitay boorar ay ku qornaayeen erayo lagu taageerayo raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo, waxaana ay sheegeen in ay soo dhaweenayaan raysal wasaaraha cusub ee dhawaan uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhammaan dadkii ka qaybgalay dibadbaxa ayaa ugu baaqay raysal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed inuu la yimaado waxqabad, uuna dhiso gole wasiirro oo tayo leh.

Dibadbaxa maanta waxaa kaloo ka qaybgalay mas’uuliyiin ka socday maamulada ka dhisan Kismaayo iyo Baydhabo, waxaana ay sheegeen inay taageersan yihiin raysul wasaaraha cusub.

Haweenka iyo dhallinyarada ka qeyb-galay kulanka ayaa sitay boorar ay ku qornaayeen erayo lagu taageerayo raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Dibadbaxyo noocan oo kale oo lagu taageerayo raysal wasaaraha cusub ayaa horrey uga dhacay magaalooyinka Muqdisho, Jowhar, Caabudwaaq iyo Luuq.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com