DIGNIIN loo jeediyay Shirkadaha Kenya

Nairobi (Caasimada online) Waxaa wali kenya ka soconaya sabaha keenay weerarkii 21-kii bishii aynu kasoo gudubnay ka dhacay dalka Kenya ,gaar ahaan daar ganacsi oo ku talaa magaalada Nairobi ee caasimada dalkaas.

Sirdoonka Kenya ayaa wada baaritaano arintaas ay kaga sal gaarayaan, waxaana jira rag badan oo weerarkaas lagu soo eedeeyay imikana ku jira xabsiyada Kenya, inkastoo  la sii daayay wiil Soomaali Britain ah oo Garoonka Diyaarahada dalkaas laga qabty intuu uu socda weerarkii Westgate lasii daayay.

Sirdoonka kenya ayaa Afar kamid ah shirdahaha Taleefoonada dalka kenya awaxay u jeediyeen digniin ku aadan in shirkadahooda la xeri doono haddii madaxyadooda ay adeegsadaan dad wata Sim Card aan diiwaan gashaneyn.

Shirkaha digniinta loo jeediyay waxaa kamid ah shirkadaha Safaricom, Airtel iyo shirkado kale oo ka howl gala dalkaasi Kenya,

Arintan waxay ka dambeysay kadib markii ay soo baxeen warar ku aadan in kooxdii weerartay Westgate Mall la sheegay inay adeegsadeen Sim Card aan diiwaan gashaneyn.

Saraakiishu waxay sheegyaan in arintan ay kaga gol leeyihiin xaqiijinta iyo sugidda dhanka amniga Wadanka Kenya si mar kale aysan u dhicin weerar la mid ah kii Westgate

Caasimada online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com