Digreeto: Gudoomiyihii rugta ganacsiga Galmudug oo xilka laga qaaday

Digreeo kasoo baxda Xafiiska Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha dowlad goboldeedka Galmudug C/qaadir Cllaahi Warsame (Cabdladiif) ayaa xilka looga qaaday Gudoomiyihii KMG ee Rugta ganacsiga Galmudug.

Gudoomiyihii KMG ee Rugta Ganacsiga Galmudug Maxamed Cabdullaahi Marteelo ayaa lagu eedeeyay in uu gudan waayay xilkii loo igmaday, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu sameeyay shaqo xumo iyo wax isdaba marin.

Maxamed Cabdullaahi Marteelo ayaa sidoo kale sababaha xilka looga qaaday lagu sheegay arrimo ay kamid yihiin dad lagu tahriibiyey magaca Rugta ganacsiga iyo Wershadaha ee Galmudug, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu la shaqeynayey s rugo ganacsi oo isku haysta magaalada Muqdisho.

Halkan ka Akhriso Digreetada Xilka looga qaaday Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga