Dil ka dhacay magaalada Beledweyne oo dhaliyay in la xirto waddo muhiim ah

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa dil ka dhacay magaalada Beledweyne, gaar ahaan xaafada Howl-wadaag, halkaasi oo Askari ka tirsan ciidamada Booliska uu ku dilay mid kamid ah darawalada gaadiidka ka shaqeeya gudaha magaalada.

Darawalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Faarax Shiiraar ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray dhowr xabadooda oo uu ku dhuftay Askariga, kaasi oo ay markii hore ku murmeen lacag darawalka uu askariga ka doonayay.

Askariga dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta dilka kadib, sida ay sheegeen dad goobjoog ah.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in maleeshiyaad hubeysan oo ka gadoodsan dilka loo geystay darawalka ay xirteen wadada Buundada liiq-liiqato ee magaalada Beledweyne, iyaga oo sheegay inay furi doonin ilaa laga keeno dambiilihii dilka geystay.

Ma aha markii u horeysay ee dil noocan ah ka dhaco magaalada Beledweyne, waxaana xusid mudan in dhowr jeer dilal noocaan oo kale ay ka dhaceen magaalada.

Si kastaba, Illaa hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga magaalada Beledweyne oo la xiriira dilkaan loo geystay mid kamid ah darawalada gaadiidka.