Doorashada aqalka Hoose oo maanta Kismaayo lagu soo gabo-gabeynayo

Kismaayo (Caasimada Online)-Waxaa maanta la filayaa in magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, lagu soo gabo-gabeeyo doorashada xubnaha aqalka hoose.

Xubno katirsan maamulka Jubbaland ee wadda doorashada ayaa xaqiijiyay in maanta doorashada xubnaha aqalka hoose lagu soo ildeyn doono magaalada.

Seddex mudane oo ka imaanaya deegaanada Jubbaland ayaa maanta ugu dambeyn lagu soo dooran doonaa magaalada Kismaayo, waxaana kadib idlaanaya doorashada aqalka hoose.

Labo beelood oo kuraastooda horay uu muran uga dhashay ayaa maanta lagu wadaa in lagu doorto Kismaayo  ka dib markii guddiga doorashooyinka ay xaliyeen.

Magaalada Kismaayo ayaa saaka ammaankeeda aad loo adkeeyay waxaana lagu wadaa in Magaalada lagu qabto munaasabad ku aadan soo gabagabeynta doorashada Aqalka Hoose ee degaanada maamulka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com