Doorashada dadban ee Soomaaliya doorsho ka duwan doorashooyinkii hore

Doorashada Soomaaliya ee  dhawan lagu wado inay dhacdo waxay leedahay   ahmiyad gaara waxayna  Dadka Soomaalida -u -leedahay xiiso  gaara  waayo waxay ka duwan tahay dhammaan doorshooyinkii Soomaaliya soo maray tan iyo markay  Dawlad madax bannaan noqotay. 

Waa doorsho kaduwan dhammaan  doorashooyinkii Soomaaliya  soomaray  tan iyo xiligii xorriyadda  laqatay”  Magaceedu waa doorshada dadban, 14.025 (Qof) ayaa  Codkooda dhiibtay 2016,soona doortay  Barlamaanka tobnaad ee Soomaaliya  yeelatay’ 2016’doorashada  innagu soo fooleh  waxaa la filaya inay kala  wareejiso   qaab dhismeedkii  jigooyinka sarsare ee hannanka hab qeybsiga siyaasadda sababtoo ah  Degmooyinka Kismaayo iyo  Laasocaano)  ayaa u tagan xilka  Guddoomiyaha Barlamanka’  doorshada 2016, waxaa kusoobiiray (Golaha Guurtida  Soomaaliya)  ama Aqalka sarre,   waa markii  ugu horeysay  ee  Soomaaliya  yelato  Aqalka sarre.  loona yaqan afka qalad (Senators)   waxaa  soo dhamaystirmay dhammaan Maamul Gobolleedyadii  lagu heshiiyey  in Dalka laga hirgaliyo.  oo garaya lix maamul Gobolleed oo kala ah Somalind, Puntland, Galmudug,Hirshabeelle, Koonfur Galbeed,iyo Jubalnd, waa sida hannanka siyaasadeed lagu qeybsaday”” e”.

275,Xildhibaan Aqalka hoosa  iyo 54,Aqalka sarre  ah  waddarta guud  329,  waxay dooran doonaan  Madaxweynaha Soomaaliya ee Afarta) sanno  ee  soosocta Dalka hoggaamin doona Haddii (Eebo idmo)’ Doorshada lawada sugayo 2016ka` waa  tii- labad ee dalka  laga hirgaliyo tan iyo markii-ay burburtay Dawladdii Hannanka ciidan kudhisneyd ee” uu hoggaamin jiray  (AUN)  Sarreeyo Guuto  Maxamad  Siyaad Barre)  oo  ahaa  Madaxweynihii seddexad ee Soomaaliya yeelato xorriyaddii kadib   xukunka dalkana kuqabsaday Inqilab ama Afgambi)  21, Aktoobar.1969.

Sannadka cusub ee miilaadiga 2017, Beesha caalmka iyo Mawadiniinta Soomaaliyeed  waxay sugayan   is bedal doorasho laakiin waxanan lasaadaalin karin Hoggaamiyayaasha cusub ee dalku yelan doona sida Guddoomiyaha Barlamanka Aqalka hoose Guddoomiyaha  Golaha Guurtida  iyo Madaxweynaha Jamuuriyadda Fedetalka.

Doorashada  innagu soo fooleh  waxaa   ku  loolami doona wajiyo kala duwan kala siyaasada kala Urura, kala xisbiya Dadka  falanweeya  arrimaha   Soomaaliya waxay  Saadaal kusheegeen  inay u badan tahay  inuu mar labad xilka  kuguuleysto Madaxweynaha hada xilka haya Xasan Shiikh Maxamuud.  Waxaase  saadaal laga bixin karin  Gudoomiyaha  Barlamanka, oo ay mar horeba  isu  soo sharraxeen   siyaasiin kasoo kala jeeda Gobollada Sool, iyo Jubada hoose. halkii laga filayey inay isku soo sharraxaan Bay   iyo Bakool,  tani waa waji cusub is badalkeed  leh.

Dhanka  Beesha caalmaka

Dawladdaha Turkiga, Imaaraadka Itoobiya,Ingiriiska, Qadar  iyo  Masar Dawladdahan  oo ah kuwo saamayn kuleh  siyaasadda Soomaaliya ,  ayaa lasheegaya inay  kala tageeraayan  qeybo kamida Murshaxiinta  ku barratami doona ama kuloolami doona   hoogaanka Dalka Soomaaliya.

Soomaaliya   ayaa  kasoo kabaneysa  burbur iyo Dawlad la’aan muddo dheer  ka jirtay waxayna ku tiirsan tahay deeqa  caalamku siiyo  waxaana ilaaliya  amankeeda Ciidamo Midawga Africa oo ay tageerto Qaramada Midoobay. Soomaaliya ayaa lagu sifeeya Qaranka  ugu musuqmasuqa badan caalamka  markii  ay timaado isla xisabtanka iyo xil gudashadu. tanoo markhaati fur u ah in doorshadu dhaaftay xiligii lagu mudeysnaa.

Ugu  dambayntiina qeybo kamida  musharaxiinta Madaxweynenimo  waxay  eedayn u jeediyeen hannankii lagu soo doortay xildhibanada cusub ee badali doona xildhibanaddii hore  waxayna ku sifeyeen in Madaxweynaha hada dalka ka taliya uu galangal xoogan ku lahaa   inta badan  xubnaha barlamanka cusub” ayna jirtay musuqmasuq xogan’  haddaba   waxaan  wada sugna  waa  dhankay garanta  siyaaddeed  u  wareegto.  Iyo hoggaamiyayaasha cusub ee Soomaalidu yeelan doonto 2017, ilaa  2020.

Musharaxiinta ayaa isku jira  kuwo hada xilal haya  kuwo xilal kasoo qabtay dalka  iyo kuwo kasoo shaqeyey Ururada bulshada ee an Dawliga ahayn..

W/Q: Cabdinuur Faarax Maxamuud

Falanqeeye arrimaha Bulshada 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com