Dowlada Ethiopia oo si rasmi ah u xaqiijisay in Sargaalka Qalbi Dhagax uu ku jiro gacantooda

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Ethiopia ayaa markii ugu horeysay xaqiijisay in DFS ay ka gudoontay Sargaalkii ka tirsanaa Jabhada ONLF ee lagu magacaaabayay Qalbi Dhagax.

Dowlada Ethiopia ayaa shaacisay in Sargaalkasi ay dowlada Somalia kala wareegtay toddobaadkii hore.

Waxa ay sheegtay in dhiibitaanka Cabdikariim Sheekh Muuse ”Qalbi Dhagax” ay ku imaaday Heshiis ay wada galeen dowladaha Somalia iyo Ethiopia, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka arrimaha warbaahinta dowladda Ethiopia Dr. Negeri Lencho, ayaa Idaacada VOA laanteeda Afka Amxaariga ah u xaqiijiyay in Cabdikariim Sheekh Muuse ”Qalbi Dhagax” uu iminka ku jiro gacanta Ethiopia.

Nuqul kamid ah haddalka wasiirka ayaa u dhacay ”Waxaan xaqijinayaa in dowlada Ethiopia loo soo gudbiyay sarkaalka ONLF ka tirsan Cabdikariim Sheekh Muuse, oo aan ku gudoonay heshiis dhexmaray labada dal”

Waxa uu intaa raaciyay wasiirka ”Cabdikariim Sheekh Muuse wuxuu ka tirsan yahay ururka ONLF oo ah urur argagixiso ah”

Dhinaca kale, wasiirka ayaa ka gaabsaday inuu kusii fogaado wareysiga uu siinaayay Idaacada VOA, balse waxa uu ku celcelshay in Cabdikariim Sheekh Muuse uu ku jiro gacanta dowlada Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com