Dowlada oo soo bandhigtay qandaraas nooc cusub oo la xiriira calanka Somalia

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in Heshiis Ganacsi ay la geyso shirkadaha sameeya daabacaada ee Awooda u leh in ay naqshadeeyaan Calanka Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo Wasaaradu ay sheegtay in tartan daah-furan loo sameeyn doono shirkadaha soo buuxin kara shuruudaha uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareye oo ku qoran Warqada.

Wasaaradda Ganacsiga ayaa qandaraaskaan shuruud uga dhigtay seddex qodob oo kala ah:

  • In lasoo sameeyo Calanka Somalia oo sax ah lana yaqaan walxaha Kiimiko ahaan uu ka kooban yahay
  • In cidda sameeneyso ay awood u leedahay inay furto xarumo laga helayo calanka guud ahaan dalka
  • In cidda qandaraaska la siinayo ay awood u leedahay inay sameyn karto noocyada kala duwan ee calanka Somalia sida kuwa la surto Madaxtooyada, Safaaraha, kuwa dadweynaha ku xafladeeyaan, kuwa Baabuurta madaxda la suro,  kuwa miisaska xafiisyada la saarto, Calamada Birta ah ee lagu dhajisto suudadka, Bilad Sharafyo iyo hadiyado la dhex geliyey oo lagu qurxiyey Calanka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com