“Dowlada way ku xadgudubtay awood qeybsigii dalka, mana aqbali doonno”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Khaliif Maxamed Xaaji Xasan oo ka soo jeeda Beesha Shiikhaal ayaa shir jaraa’id uu maanta qabtay waxaa uu ku dhaliilay Xuukumada cusub iyo guud ahaan madaxda Dowlada.

Xildhibaanka waxaa uu sheegay in awood qeybsiga Dowlada lagu xadgudbay islamarkaana wixii beeshaasi xaq laheyd la duudsiiyay.

“kulan beeshu yeelatay waxay cadeyneysaa inaysan ku qanacsaneyn awood qeybiga beelaha marka la eego xukuumada cusub”ayuu yiri Xildhibaan Khaliif Maxamed Xaaji Xasan

Xildhibaanku wuxuu xusay in dhawaan beeshu kalsoonida kala laabtay Xukuumada kadibna si shaqsi ah loogu yeertay xildhibaan beeshaasi ka tirsan kaasoo sida uu sheegay loo balan qaaday in xil wasiiru Dowle.

Xildhibaan Khaliif
Xildhibaan Khaliif

“Ra’iisulwasaaruhu wuxuu yeertay shaqsi beesha ka tirsan laakiin wax wada tashi ah lama sameyn odayasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta beesha sidaas daraadeed waxay beeshu ku adkeysaneysaa inay kalsoonida kala laabatay xukuumada cusub”ayuu yiri mar kale Khaliif Maxamed Xaaji Xasan

Xildhibaanka wuxuu carabka ku adkeeyay in beeshu waxba aysan ka badelin go’aankoodii ay kalsoonida kala laabteen xukuumada cusub .

“Hadii Dowladu wanaag rabto waa in xaqa beesha ku leedahay Dowlada lagala tashtaa Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta Beesha Shiikhaal”ayuu mar kale yiri Xildhibaan Khaliif Maxamed Xaaji Xasan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com