Dowlado la sheegay inay kaalin ku lee yihiin dagaallada ka socda Sh/Hoose

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Xasan Keynaan oo horrey u soo noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose ay dhinacyo badan ku lug lee yihiin.

Isagoo la hadlaayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayuu sheegay in dagaalladaas ay ku lug lee yihiin dowladda Kenya iyo Itoobiya.

“Waxaan rabaa in aan sheego in dowladdaha Kenya iyo Itoobiya ay ka dambeeyaan dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose waana arrin nasiib darro ah” ayuu yiri Xasan Keynaan.

Wuxuuu shjeegay oo kale in dagaallada ay markii horre ku billowdeen qaab qabaa’il balse hadda ay u muuqdaan kuwa beelo badan iyo dalal badan ay ku lug lee yihiin sidda uu hadalka u dhigay.

Hadalka siyaasigan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dagaallo qaab qabaa’il u abaabulan ay ka socdan gobalka Shabeellaha Hoose.

Si kastaba, xaaladda gobalka Shabeellaha Hoose ayaa maalintii seddaxaad deggan in kastoo weli labada maleeshiyo ay is hor fadhiyaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com