Dowladda Jabuuti oo dhul ka mdi ah dalkaas ka iibisay waddan kale + Sababta

Jubba (Caasimada Online) – Saraakiisha dalka Koonfur Sudan ayaa xaqiijiyey in dowladda Jabuuti ay ka iibisay dhul ku yaalla xeebta dalkaas oo laga dhisayo dekad.

Koonfur Sudan waxay sheegtay in dekeddaas ay muhiim u noqon doonto dhoofinta saliidda cayriin ee dalkaas, oo hadda la mariya dalka Sudan, iyo sidoo kale soo dhoofinta badeecadaha dalkaas oo badankood ka yimaada dekedda Mombasa ee Kenya.

Wasiirka shidaalka Koonfur Sudan Puot Kang Chol ayaa sheegay in dhulka ay ka iibsadeen Jabuuti loo adeegsan doono dhoofinta saliidda cayriin. 

“Waxaan jeclaan lahaa inaan dhammaantiin idinku wargeliyo inaan muddo isku dayeynay inay waddooyin badan furano sababtoo ah Koonfur Sudan waa dal aan bad lahayn, sidaas darteed waxaa nalooga baahan yahay inaan u furnaano suuqyada,” ayuu yiri.

Laba dal oo ku yaalla Dooxada Weyn ee Afrika oo kala ah; Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo ayaa dhowaan sheegay inay adeegyadooda dekedaha u wareejin doonaan Tanzania, taasi oo Rwanda iyo Burundi ka dhigeysa labada dal ee kaliya ee sida buuxda ugu tiirsan dekedda Mombasa. 

Duncan Otieno, oo ah dhaqaalyahan fadhigiisu yahay Nairobi, ayaa sheegay in tallaabada Koonfur Sudan ay Kenya gelineyso xaalad adag, maadaama uu loolan adag kaga imanayo Dar es Salaam iyo Jabuuti.

“Waa inaan is weydiinaa, Uganda, Congo iyo hadda Koonfur Sudan waxa dhammaantood ku qasbay inay ka tagaan dekedda Mombasa,” ayuu yiri.

Wasiirka dhaqaalaha Koonfur Sudan Abraham Mamer ayaa sheegay in dekedda Jabuuti ay marin raqiis ah siin doonto badeecadaha ay dhoofineyso iyo kuwa usoo degaya Koonfur Sudan.

Koonfur Sudan iyo Jabuuti ma wadaagaan xuduud, waxaana u dhaxeeya Itoobiya. Dekedda cusub ayaa waxaa Koonfur Sudan ku xiri doono waddo dhex-mareysa Itoobiya.