Dowladda oo ka jawaabtay guddiga ay magacaabeen musharaxiinta mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Dubbe oo maanta ka qeyb-galay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa markale weerar culus oo Afka ah ku qaaday musharaxiinta madaxweyne ee maalmihii u dambeeyay ku shirsanaa magaalada Muqdisho.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in shirarka musharaxiinta madaxweynaha ee mucaaridka ay yihiin kuwo waxba soo kordhineyn, isagoona guddigii ay shalay magacaabeen ku tilmaamay wax uu ugu yeeray, xarako iyo ciyaar ciyaar.”

“Nin weyn oo darajooyinkii dalka ugu sarreeyay soo qabtay oo leh anoo suuqa jooga ayaan guddi magaacabayaa miyaanay ahayn xarako iyo layaab,” ayuu yiri Wasiir Dubbe

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa shalay magacabay guddi ka kooban 28 xubnood, oo loogu magac daray Guddiga Badbaadinta Doorashooyinka Dalka, kaasi oo looga dhawaaqay shir ay musharaxiinta ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Dubbe ayaa ka hor-yimid guddigaas, isagoona sheegay ‘inay wax lala yaabo tahay mucaarid dibada jooga ay ku dhawaaqan guddi doorasho’, xili uu khilaaf xoogan ka taagan yahay laguna muransan yahay guddigii uu hore ugu dhawaaqay ra’iisal wasaare Rooble.

Waxa kale oo uu si adag uga digay in musharaxiinta kasoo horjeeda dowladda ay dalka ka abuuraan fowdo, iyada oo aan heshiis loo dhameyn laga gaarin arrimaha doorashooyinka iyo guddiga doorashada ee lagu muransan yahay.

Hadalkan ayaa imanaya xili uu sii xoogeystay khilaafka ka taagan Guddiga doorashada ee lagu muransan yahay, kaasi oo shalay doortay guddoomiye iyo ku xigeenkiisa, Maxamed Xasan Maxamed ayaa loo doortay Guddoomiye, halka Mowliid Mataan loo doortay guddoomiye ku-xigeen.

Wuxuuna kusoo aadaya xili Musharaxiinta Mucaaradka ay walaac xoogan ka qabaan waxyaabo badan oo dalka ka jira oo ay ugu horreeyan qal-qalka siyaasadeed ee ka jira maamul goboleedyada qaar sida HirShabelle oo ay xaalad xumi ka taagan tahay iyo sidoo kale Jubbaland oo arrimo badani ka jiraan.