Dowladda Soomaaliya oo xil sare u magacowday Dr. Fuje

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa Dr. Maxamed Maxamuud Cali Fuje u magacowday Talo-Bixiyaha Caafiimaad ee COVID-19 ee dalka.

Dhakhtay Maxamed Maxamuud Fuje ayaa hadda kadib hoggaamin doona ololaha ka hortagga xanuunka Coronavirus, waxaana la sheegay in madaxda dowladdu ay ka dalbatay in uu soo dhiso shabakad ay ku mideysanyihiin dadka aqoonta u leh cudurrada faafa, si loola tacaalo khatarka cudurka Coronavirus uu ku hayo Soomaaliya.

Dr Fuje waxa uu wax ku bartay Kulliyadda Daawada ee Jaamacadda Soomaaliya, Jaamacadda Sixada iyo Cudurrada Kulaalaha ee London, iyo shahaadada sare oo uu ka qaatay jaamacadda Royal Postgraduate Medical School, Hammersmith Hospital.

Magacaabista Fuje ayaa imaneysa ayada oo faafitaanka cudurka ee gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho uu yahay mid u socda si xowli ah, oo u muuqata in uu si weyn ugu dhex faafay cudurka bulshada ku nool gudaha magaalada.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya ayaa caawasheegtay inay kordheen Kiisaska cudurkaasi ee gudaha dalka, oo ay gaaareen 135-qof, kadib markii maanta ay wasaaradu cudurkaasi ka heshay 19-qof oo cusub.

Wasiirka caafimaadka ayaa sidoo kale sheegtay in maanta ay soo korodhay 2-qof oo dhimasho ah, midaasi oo tirada guud ee dhimashada dalka ee cudurkaasi ka dhigaysa 7-qof.