Dowladdii ugu horreysay ee CARBEED oo war kasoo saartay qaraxii Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar oo ka mid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka la leh Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerar ismiidaamin ahaa oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xerada Dhagabadan oo ku taalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kaas oo uu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qaraxa.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Dooxa ayaa waxaa lagu sheegay in ka dowlad ahaan ay aad u xun yihiin qaraxaasi oo lagu beegsaday dhalinyaro xilligaas isku diyaarineysay inay ku biiraan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Waxaynu ka soo horjeednaa falalka argagixisanimada ah, iyadoo aan loo eegin ujeedooyin iyo sababo,” ayaa  lagu yiri warka ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Qatar.

Sidoo kale dowladda Qatar ayaa tacsi u dirtay ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkaas, ayada oo ku dhaawaca ahna u rajeysay caafimaad deg-deg ah.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha taageero Soomaaliya, walow uu loolan xoogan kala dhexeeyo Imaaraadka oo hadda u muuqdo inuu uga dhowaaday dowladda cusub.

Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu weeraray xerada tababarka ee Dhagabadan ee Warshadda Nacnaca ayaa waxaa ku dhintay 15 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo la xiriirta ammaanka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo baaro daran oo ka jira gudaha dalka.