Dr. SAADAQ oo xujeystay baarlamanka PUNTLAND

Dr. Saadaq Eenow oo ka mid ahaa musharixiinta xilka Madaxweyne ee Puntland ayaa  sabtidii uga dhawaaqay Garoowe in uu xilkaas ka tanaasulay oo uu waliba u bedeshay xilka Madaxweyne ku xigeen.

Tallaaadan lama filaanka ahayd ayuu Dr. Saadaq ku sheegay in uu u sameeyey dhawr sababood sida in uu u tanaasulay shacabka Gobolada Sool, Sanaad iyo Cayn oo uu sheegay in ay hagardaamooyin siyaasadeed, mid amni iyo dhaqaale ka soo gaartay maamulada Somaliland, Puntland iyo dowladda dhexe.

Siyaasiga oo ka soo jeeda gobolka Karkaar ee ay xarunta u tahay Qardho ayaa cadeeyey in ay isku siyaasad yihiin Dr. Cali Ciise Cabdi oo uu u tanaasulay, diyaarna u yahay in uu la shaqeeyo.

Dr. Saadaq Enow oo hore xukumadda Cabdiweli Gaas uga soo ahaa Wasiirka Caadimaadka ayaa lagu tirinayey musharixiinta ugu cad cad xilka Madaxweyne balse go’aanka uu qaatay ayaa laba falcelin dhaliyey, qaar soo dhaweeyey iyo kuwo ka xumaa.

Go’aanka Dr. Eenow waxa uu saameyn weyn ku yeelan doonaa ol’olaha doorashada Puntland maadama uu sii xoojiyey rejadii Dr. Cali Ciise Cabdi.

Tallaabadaas sidoo kale waxa ay xujo ku noqoneysaa baarlamaanka Puntland oo dhawr iyo sodon tahay da’yar maadama ay ku adkaan doonto in ay ka leexdaan labada Diktoor oo is wata, doonaya in ay hoggaamiyaan Puntland.

Shaqsiyad ahaan iyo aqoon ahaan, Dr. Cali Ciise Cabdi iyo Dr. Saadaq Eenow waa laba musharax ee ugu sarreeya.

W/Q: Cabdiraxmaan Muuse Jaamac
Laascaanood, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid