Erdogan oo beeniyey qorshe la sheegay in Turkey ay ka damacsan tahay dalka…

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta sheegay in Turkey aysan ku talo jiirn inay qabsato dhul ka mid ah Syria inkasta oo ay sare u qaaday weerarada ka dhanka ah ciidamada Kurdish-ka ee ku sugan waqooyiga dalkaas.

Hadallada Erdogan ayaa yimid maalmo kadib markii duqeyn diyaaradeed oo Turkey ay ka fulisay xuduudda Syria, oo ay ku sugnaayeen ciidamada rajiimka Assad, lagu dilay 17 dagaalyahan.

Koox dusha kala socota dagaalka Syria ayaa sheegtay in duqeynta lagu dilay ciidan isugu jira kuwa dowladda Syria iyo kuwa Kurdish ah.

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Syria ayaa sheegtay in saddex askari oo ka mid ah kuwa dowladda lagu dilay weerarka.

Turkey waxay sheegtay inay ka jawaabeysay duqeyn lala beegsaday fariisimo ay ku leedahay xuduudda oo looga dilay laba askari.

Rasaasta halkaas la isku weydaarsaday ayaa tusmeysay mid ka mid xiisadahii ugu darnaa tan iyo markii Ankara iyo Dimishiq ay weeraro isweydaarsadeen 2020.

Erdogan ayaa hadda u muuqda inuu isku dayayo inuu dejiyo xiisadda, xilli uu kasoo laabtay safar uu ku tegay Ukraine.

“Indhaheenu kuma jeedaan dhulka Syria sababtoo ah dadka Syria waa walaalaheen,” ayuu yiri Erdogan sida ay kasoo xigatay warbaahinta Turkish-ka.

“Rajiimka waa inuu ka war hayaa arrintan.”

Booqashada Erdogan ee Ukraine ayaa timid laba toddobaad kadib markii uu u duulay magaalada Sochi oo uu wadahadallo kula yeeshay Vladimir Putin, kuwaas oo sidoo kale looga hadlay arrimaha Syria.

Taageerada Putin ayaa muhiim u aheyd inay gacan ka siiso madaxweynaha Syria Bashar al-Assad inuu ka badbaado dagaal 11 sano socda oo uu kula jiro kooxo mucaarad ah oo qarakood ay taageerto Turkey.

Erdogan ayaa sheegay inuu u sheegay Putin inuu doonayo inuu si dhow ugala shaqeeyo Ruushka waqooyiga Syria, halkaasi oo Ankara ay ku beegsaneyso Kurdiyiin ay u aragto “argagixiso.”

“Ruushka waan kala xiriirnaa tallaabo kasta oo aan ka qaadeyno gudaha Syria,” ayuu yiri Erdogan.

AFP + VOA