Erdoğan oo sheegay arrin ay Soomaaliya tusaale u tahay

Ankara (Caasimada Online) – Soomaaliya waa tusaalaha ugu weyn ee muhiimadda dhaqaale, nabadda bulshada iyo xasiloonida Afrika ay uleedahay Turkey, waxaa sidaas Arbacadii sheegay madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.

Isaga oo ka hadlayey shir jaraa’id oo ay Ankara wadajir ugu qabteen dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Erdoğan wuxuu sheegay in Turkey ay Soomaaliya siisay gargaar u dhigma $1 bilyan 10-kii sano ee ugu dambeeyey. 

Tallaabooyinka ay wadajirka u qaadeen Turkey iyo dowladda Muqdisho 2011-kii waxay gacan ka gaysteen dib usoo nooleynta dalka oo xilligaas qarka u saarnaa burbur, ayuu yiri Erdoğan. 

“2011-kii Soomaaliya waxay qarka u saarneyd burbur sida ay beesha caalamka sheegtay. Sidaas darteed 2011, waxaan ku tagnay booqasho rasmi ah si aan caalamka ugu dirno farriin ah inaan garab taaganahay walaalaheen Soomaaliyeed,” ayuu ku daray. 

Madaxweyne Erdoğan, oo xusaya sida tallaabooyinka ay qaadeen labada dal ay u caawiyeen Soomaaliya, ayaa sheegay in xiriirka ganacsi ee Soomaaliya iyo Turkey uu sanadkii tegay ahaa $363 milyan, halka uu 2013 ka ahaa kaliya $2 milyan.

Safaaradda ugu weyn ee Turkey ay ku leedahay caalamka waxay ku taalla caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, ayuu yiri Erdoğan, isaga oo intaas ku daray in dalkiisa uu taas ku faano.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisana uga mahad-celiyey Turkey maal-gashiga ay ku sameyso Soomaaliya. 

Iskaashiga Ankara iyo Muqdisho “waa mid aad u togan oo sii koraya maalin iyo habeen kasta,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. 

Erdoğan ayaa madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka ku jooga booqasho afar maalmood ah wuxuu kusoo dhoweeyey qasriga madaxtooyada oo xaflad heer sare ah loogu qabtay Arbacadii. 

Labada hoggaamiye ayaa yeeshay wada-hadallo gaar ah kahor ka hor inta aanay kusoo biirin wufuud, oo aysan wada qaban shir jaraa’id.

Xoojinta xiriirka labada dal iyo tallaabooyinka sare loogu qaadi karo iskaashiga ayaa ugu weynaa arrimaha laga wada-hadlay.

Booqashadan ayaa aheyd tii ugu horeysay ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tago Turkey tan iyo markii uu xafiiska dib ula wareegay bishii May. Xasan Sheekh ayaa horey madaxweyne usoo ahaa 2012 illaa 2017.