Madaxweyne Erdogan: Sax ma’ahan ‘daandaansiga’ reer galbeedka ee Ruushka

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii sheegay in aanu u malayneyn in siyaasadaha “daandaansiga” ee reer galbeedka ee ku wajahan Ruushka ay sax yihiin, kadib markii Midowga Yurub iyo Kooxda Toddobada Waddan ay soo jeediyeen in la dhimo qiimaha gaaska Ruushka.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa mar sii horreysay ku hanjabay inuu joojin doono dhammaan gaaska haddii Midowga Yurub uu tallaabadaas qaado, taasoo sare u qaadaysa khatarta qaybinta qaar ka mid ah waddamada ugu qanisan adduunka xilliga qaboobaha.

Erdogan ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu magaalada Belgrade kula qaatay madaxweynaha Serbia Aleksandar Vucic.

“Muhiim maahan in aan magacyada kuu yeeriyo, laakiin waxaan si cad u dhihi karaa in aana u arag mawqifka ay reer galbeedku qaadanayaan inuu yahay mid sax ah,” ayuu yiri Erdogan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Belgrade.

“Maadaama ay jirto reer galbeed oo hoggaaminaya siyaasad ku dhisan daandaansi, ma dhici doonto in natiijo halkaas laga gaaro,” ayuu yiri Erdogan, isagoo intaas ku daray in dalalka kale aysan dhayalsanin Ruushka.

Vucic waxa uu sheegay in Serbia ay ka codsatay Turkiga in uu u oggolaado in uu kasoo wareejiyo Korontada laga keeno Azerbaijan,

Serbia ayaa gabi ahaanba ku tiirsan gaaska Ruushka, laakiin waxa ay doonaysaa inay kala duwanaato sahayda iyo qorshayaasha ay ku bilaabayso soo dejinta gaaska dabiiciga ah Azerbaijan sanadka 2023.

Vucic wuxuu sheegay in xilli-qaboobaha soo socda ee Yurub uu noqon karo “mid aad u qabow” sababtoo ah dhibaatada tamarta ee ka dhalatay dagaalka Ukraine. Inkastoo Belgrade ay cambaareysay duullaanka Ruushka ee Ukraine, haddana waxay diiday inay cunaqabatayn kusoo rogto Moscow.

VOA + Reuters.