Essien: Waxaan doonayaa inaan Real Madrid kula guuleysto Champions League.

Ka dib markii uu daqiiqadihii ugu dambeeyey Chelsea si amaah ah ku siisay kooxda Real Madrid, Michael Essien ayaa daaha ka qaaday inuu mar kale usoo carfaayo koobka ugu xiisaha badan Yurub ee Uefa Champions League.

Los Blancos ayaa isha ku heysa inay soo meeleysato koobkeedii Tobnaad ee Champions League.

Wuxuuna halbowlaha qadka dhexe ka qabaa rajo inuu mar kale Dhega weyne qaado isagoo ka hoos ciyaaraya Jose Mourinho, isagoona sheegay inuu la yaabay usoo dhaqaaqitaankiisii Madrid.

wuxuu u sheegay Wargeyska Marca: “Markii aan ku biiray Chelsea marnaba uma maleyn inay taasi dhici karto, laakiin waxaa ka dhaca kubada cagta wax lala yaabo.”

Essien oo dhowaan noqday xidigii ugu horeeyey ee kasoo jeeda dalka Ghana ee ciyaara kulanka El Clasico ayaa yiri: “Sir ma ahan in Jose Mourinho uu baahi u qabay xirfadeyda tan iyo markii aan imid England.

Essien oo Champions League sanadii hore kula soo guuleysatay kooxda Chelsea ayaana rajo ka qaba inuu Madrid ka caawiyo keedii 10-aad: “Waxay wax fiican oo taariikh leh u noqon laheyd kooxda iyo magaaladaba, anigana sidoo kale waxay ii noqon laheyd wax fiican gaar ahaan xirfadeyda kubada cagta hadii aan ku guuleysto laba Champions League oo isku xigta.”