Ethiopia oo cadeysay sababta ku khasabtay inay laasho maamulka Cabdi Iley (Warbixin)

Jigjiga (Caasimada Online)-Dowladda Ethiopia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sababta ka danbeysay in xilka laga qaado Madaxweynihii hore ee maamulka Cabdi Maxamuud Cumar ee iminka ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay inaysan ku kicin talaabo aysan ka raali aheyn dadka deegaanka, balse ay jirto qeylo dhaan kaga imaaday dhanka shacabka.

Dowlada ayaa tilmaantay in isbedalka ka dhacay dhulka Soomaalida Ethiopia uu yahay mid dan weyn ugu jirto shacabka ku dhaqan deegaanada maamulkaasi.

Wasiirka warfaafinta dowladda Ethiopia Axmed Shidde ayaa sheegay in Ra’isul wasaare Abiy Axmed uu safarkiisii ugu horeeyey ku tagay Jigjiga ahayd sidii xal weyn looga gaari lahaa hoggaaminta deegaankaasi, waxa uuna tilmaamay inuu dhageystay qeyla dhaan kaga imaaday dhanka shacabka.

Axmed Shidde, waxa uu sheegay in culeysyo ay yimaadeen, islamarkaana cabashada dadka ay sii badatay, isaga oo tilmaamay in koox yar ay Jigjiga iyo deegaanno rabshado ka sameeyeen.

“Isbedelka dhacay waxa uu ku imaaday rabitaanka shacabka Soomaalida, dowladu waxa ay maqashaa shacabka sidaana waxa ay ku qaaday talaabo isbedel ah oo dani ugu jirto shacabka”

Axmed Shidde, waxa uu sheegay in cabashooyinka xitaa ay halis galiyeen amniga qaranka, waxa uuna tilmaamay in Ethiopia aysan diyaar u aheyn Qatar amni darro oo kaga imaada dhanka shacabka.

Dhinaca kale, waxa uu Mr Axmed Shidde sheegay in cid walbo oo ka dambeysay dhibaatooyinkii ka dhacay Jigjiga lagula xisaabtami doono, isla markaana loo saaray guddi baaritaan degdeg ah ku sameeya.

Caasimada Online

Xafiiska Jigjiga

Caasimada@live.com