Ethiopia oo go’aan lama filaan ah ka qaadatay ciidamadeeda ku sugan dhufeysyada xadka Eriterea + Warbixin

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday inay dib ula soo baxeyso ciidamadii ka joogay xadka kala dhexeeya dowlada Eriterea.

Dowladu waxa ay sheegtay in xal waara loo helay colaadii kala dhexeysay wadanka Eriterea isla markaana laga gaaray go’aan la xiriira in dib loo soo saaro ciidamada.

Ciidamada Ethiopia ayaa xadka Eriterea ku sugnaa muddo 20 sana ah, kadib markii ay fogaatay colaada labada dal oo gaartay heer la kala qabsado dhulal baaxad leh.

Go’aankan dawladda Ethiopia ay gaartay ayaa waxa uu ka dambeyay kadib marki ay Ethiopia iyo Eriterea  colaaddi u dhaxeysay ay heshiis nabad galyo ku soo afjareen.

Ciidamada Ethiopia ayaa ku sugnaa jiidaha hore ee deegaanada Buree, Zaalambass, Shiraaro iyo Baadme.

Ciidamada Ethiopia ee laga soo saarayo xadka Eriterea ayaa tiradoodu kor u dhaafeysay 100,000 iyada oo ay tirada ciidamada marar badan isbeddeleysay.

Sidoo kale, dowlada Eriterea waxa ay iyaduna dhankeeda ka sheegtay iney qaadeyso tallaabbo la mid ah tan ay Ethiopia qaadday oo ay ciidamadeeda ka qaadeyso xadka labada dal ay wadaagaan.

Si kastaba ha ahaatee, shacabka labada dal ayaa aad usoo dhaweeyay go’aanka lagu kala qaadayo labad ciidan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com