Ethiopia oo sii deyneysa Maxaabiistii ugu badneyd ee ka tirsan Jabhada ONLF

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya Saraakiisha is maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegaya in manta oo Khamiis ah ay Xabsiyada maamulka kasii deyn doonaan Maxaabiis farabadan.

Saraakiisha ayaa sheegay in Maxaabiistaas ay tirro ahaan dhanyihiin 1,500 Maxbuus oo siyaabo kala duwan looga xiray Jabhada ONLF.

Maxaabiista laga sii deynaayo Xabsiyada ayaa waxaa ku jira kuwo xiran ku dhawaad 10 sano, halka qaarna lagu qabtay howlgalo ay ciidamada ku sameeyeen duleedka magaalada Jigjiga.

Saraakiishu waxa ay sheegtay in deysmada Maxaabiista ay daba socto wadahadal qaatay maalmo badan oo dhexmaray dowlada Ethiopia iyo ONLF.

Qoysas aad u farabadan ayaa la filayaa in ay saaka tagaan Xabsiga lagu magacaabo Jeel Ogaadeeniya ee Magaalada Jig jiga halkaas oo ay inta badan ku xir xiranyihiin maxaabiista ONLF ee saaka la siideynayo.

Sidoo kale, deysmada Maxaabiistan ayaa kusoo beegmeysa xili ay dowladda Ethiopia dhawaan xabsiga ka siidaysay boqolaal ka mid ah Kooxaha Mucaaradka ah ee Oromadda.

Dhinaca kale, Dowlada Ethiopia ayaa u muuqaneysa mid ku socota boholo mugdi ah oo mideyn kara burbur iyo qalalaaso amni.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com