Warbixin: Qarax ka dhacay Gaalkacyo

Gaalkacyo(caasimada Online) – Kadib markii manta qarax uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa halkaasi laga sameeyay baaritaano dheeri ah oo amaankalagu xaqiijinayo.

Hal ruux oo kamid ah askarta maamulka Puntland ayaa ku dhintay qaraxa oo ka dhacay xaafada Garsoor ee dhanka Puntland, iyadoo sidoo kale la sheegay in ruux rayid ah uu ku dhaawacmay qaraxaasi.

Ciidamada ayaa qaraxa ka dib waxay baaritaano ka sameeyeen xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegayaa in dad badan lagu qabqabtay.

Saraakiisha ciidamada maamulka Puntland ee gobolka Mudug ayaanan wali ka hadlin howlgalkii ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo iyo dadkii ay kusoo qabqabteen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ku dhawaad 10 dhalinyaro ah ay kaxeysteen ciidamada maamulka Puntland, iyadooay ku jireen arday iskuulo waxbarasho ka dhigta magaaladaasi.

“Hal askari ayaa dhintay hal kalana wuu dhaawacmay, waana dhaawac daran, baaritaano ayaa socda , xaalada way wanaagsan tahay laakiin dhalinyaro ayay xer xereen”. Sidaasi waxaa Caasimada Online u sheegay mid kamid ah dadka deegaanka.

Magaalada Gaalkacyo ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa laga dareemay xaalad amaan oo wanagasan, iyadoo ciidamada labada maamul ee ka arimaha magaaladaasi ay sameynayeen howlgalo wadajir ah.

Caasimada Online

Xafiiska Gaalkacyo

Caasimada@live.com