Faahfaahin ku saabsan Madaxweynihii hore ee Ximan & Xeeb oo xabsiga laga sii daayay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee maamulkii Ximin iyo Xeeb Maxamed Cabdullaahi Aadan Tiicay ayaa gaaray dalka Mareykanka ka dib markii laga sii daayay xabsi ku yaalla dalka Biljamka.

Waxaa loo heystay falal la xariira Burcadbadeednimo, waxaana loo sheegay in uu ka qeyb qaadan doono filin looga hadlayay Burcadbadeeda kadibna xabsiga ayaa la dhigay.

Mudda Afar sano ah ayuu xabsi ku jiray, waxaana uu dhowr jeer kasoo hormuuqday Maxkamad ku taalla dalkaasi.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Ximan & Xeeb, Maxamed Macalin Aadan (Tiicey), ayaa afar sano iyo laba bilood ka dib waxaa laga sii daayay xabsi ku yaala dalka Belgium-ka, markii lagu waayay eedeymihii loo haystay ee burcad badeednimada.

Madaxweynihii hore ee Ximan & Xeeb, ayaa sanadkii 2013-kii waxaa lala xiray Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) oo mar madax u ahaa kooxihii burcad badeeda ee ka hana qaaday Gobolada Dhexe, kaasoo loo haystay in uu ka masuul ahaa markab laga leeyahay dalkaasi Belgium-ka oo madax furasho loogu haystay Gobolada Dhexe.

Maxamed Macalin Aadan (Tiicey) iyo Afweyne oo ka baxay burcad badeeda, ayaa ka hor intii aan lagu xirin dalkaasi waxaa Afweyne loo sheegay in uu wax ka jili doono filim ku saabsan burcad badeednimada, balse ay taasi ahayd shirqool la doonaayay in lagu soo xiro.

Maxkamad ku taala Belgium-ka, ayaa xabsi ku xukuntay labadaasi nin, markii Xafiiska Xeer Ilaalinta uu ku soo oogay in ay ku lug lahaayeen markabka ay burcad badeedu ku haysatay Gobolada Dhexe.

Dacwad oogayaasha, ayaa Tiicey ku soo oogay in maamulkiisii uu la macaamil la lahaa burcad badeeda, isla-markaana uu gabaadsiin jiray, intii uu ahaa Madaxweynihii Ximan & Xeeb.

Maxkamad hubisa xukunada ay Maxkamadaha kale ridaan oo markii dambe dib u eegis ku sameysay xukunka Tiicey, ayaa fadhiyo badan ka dib ogaatay inaanu ku lug lahayn wixii lagu soo eedeeyay, iyadoona ugu dambeen amartay in dib xoriyadiisa loo siiyo.

Dhanka kale Tiicey, ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii gaaray Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee Wadanka Mareykanka, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Tiicey oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa sheegay in uu hadda qorsheynayo maxkamad uu la tiigsado dalka Belgium-ka, si uu mag-dhow uga helo sumcad xumidii uu dalkaasi kala kulmay, sida uu yiri.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com