FAALLO: AADANAHA & TAARIIKHDA  

By Asad Cabdullahi Mataan

Erayga “history” taariikh marka aad ka eegto qaamuuska waxaa uu kuu sheegayaa iney tahay “dhacdooyin la keydiyey, loona diyaariyey ama la isugu xijiyey sidey u kala danbeeyeen xagga waqtiga, maalmaha, bilaha, sannadaha iyo qarniyada ay soo sameysmeen. Asal ahaa eraygan (history) wuxuu ka soo jeedaa Greek waxeyna u yaqaaneen ama macnihiisu ahaa “su’aal ama weydiin” waxaa kaloo lagu qeexaa xagga cilmiga, barashada dhacdooyinkii la soo dhaafay, gaar ahaan kuwa la xiriira aadanaha. Ogow sheeko xariirooyinka la xiriira dhaqanka ka mid maaha taariikhaha wax lagu qotomiyo.

Haddaba aadanuhu waa noolaha kaliya ee taariikhda sameeya ama reeba. Inta badan taariikhuhu waxey ka dhex dhashaan bulshooyinka hadba markaa jira, waxeyna aad ugu dhex tarmaan bulshooyinka fur furan oo iyagu aqbali og isbedelada ka dhex dhesha, laakiin taariikhaha inta badan waxa sameeya ama reeba hogaamiye yaasha xagga siyaasadda, dhaqaalaha iyo baarayaasha cilmiga dhabta ah ee soo saara ama xal u hela ciladaha jira ee dhibaatada ku haya aadanaha.

Tusaalooyin badan ayaan jeclahay inaan qormadan idinku tuso, inkastoo siyaasiyiintu ay yihiin dadka ugu badan ee taariikhaha reebay lehna saameynta ugu badan, hadana waxaa dowr muhim ah ka tagey raggii alifay cilmiga xaqiiqiga ah oo inaan magacyadooda xusnana ay muhiim tahay sida, Isaac Newton oo ahaa saynisyahankii xagga fisigiska iyo xisaabaadka, laguna xusuusto daah ka rogiddii cufasjiidadka “gravity”. Plato isna wuxuu ahaa philosopher isla markaana aad uga aflaxay macalinkiisii philosopher Socrates, iyo Aristotle oo ahaa ardaygii Plato, dhamaan raggan aan soo sheegnay waxey taariikh dhaxal gal ah uga tageen cilmiga falsafada ee jaamacadaha lagu darso maanta. Adigoo aan ilaaweyn raggii socdaalada wax ku keenay sida Christopher Columbus, iyo Vasco Dagama.

Intaa kadib akhristow ii ogolow inaan ku noqdo siyaasiyiinta oo ah dadka ugu saameynta badan ee taariikhaha ka taga ama sameeya, sida aad ogtahayba bulshooyinka caalamka waxey aad uga sheekeeyaan raggii xagga siyaasad raadka uga tagay, tusaale African- ku waxey aad uga sheekeeyaan raggii xornimada ka shaqeeyey iyo kuwii talada u qabtay xornimadii kadib, halkaa soo ay (stuck) ku noqdeen amaba ay soo dhaafi waayeen, is badelada siyaasadeed oo ku yar aawadeed. Laakiin dadyowga kale ee caalamku sidaa maaha, oo waxey heystaan wax badan oo ay ka sheekeeyaan amaba dib ugu noqdaan marka laga reebo qeybo Asia ka mida oo lagu daray Latin America, kuwaa soo ay la hartay nidaadmyo keli talis ah oo aan u ogoleyn cid kale oo timaada.

Isbadelada hogaamiye yaasha siyaasadda ee wadamada Europe iyo North America kadib doorashayoonka ayaa waxey keentay in wadamadaasi ay soo maraan madaxweynayaal iyo ra’iisal wasaarayaal tiro badan oo mid walba ka tagay taariikho wax ku ool ah, hadaba dhacdooyinka ka dhasha  isbedelada ayaa waxa ay sababtay haddii dhacdo cusubi timaado in taariikhahooda dib loogu noqdo bal iney horey u dhacdaay taa soo kale.

Tusaale 20-kii January ee sannad kii 2009-kii ayaa markii xilka loo dhaarinayey madaxweynaha hadda xilka haya ee Mareykanka Mr Barack Obama ayaa waxa uu qalday dhaartii uu ka daba oranayey ninkii u dhaarinayey xilka, taasina waxey keentay in dhaartii madaxweynaha dib loogu celiyo maalintii xigtay ee 21-kii Jan 2009-kii, waxaa la is weydiiyey iney horey u dhacday in madaxweye Mareykani oo la soo doortay inuu qaldo dhaartii hadana dib loogu celiyo, keydka taariikhda madaxweynayaashii soo maray wadanka waxaa laga helay ilaa 7 madaxweyne  oo wadanka soo maamulay dhaartiina dib loogu ceshay, laga soo bilaabo madaxweynihii 21aad James A Garfield oo dib loogu ceshay dhaartii taariikhdu markay aheyd 20-kii Sept 1881-kii, waxaa sidoo kale dhaartii lagu ceshay madaxweyne Woodrow Wilson sannadkii 1917-kii. Dwight Eisenhower sannadkii 1957-kii. Ronald Reagan sannadkii 1985-kii iyo kuwo kale oo aanan soo wada qori karin. Sidoo kale Eric Cantor oo ahaa hogaamiyaha inta badan “majority leader” ee congress-ka Mareykanka kana socda xisbiga republican-ka ayaa doorasho hoosaadka xisbigooda qof kii kursiga degmadaasi ku soo geli lahaa congress-ka mar uu u ordayey inuu adkeysto kursigaas oo markaaba uu ku fadhiyey si ugu noqdo markii 8aad ayaa u shaqeyn weyday oo waxaa doorasho hoosaadka uga adkaaday nin aan siyaasadda horey ugu jirin David Brat oo ahaa macalin jaamacadeed oo dhaqaale yahan ah. Hadaba Eric Cantor guul darada ku timi 3 maalmood mudo laga joogo hadda,  isagoo weliba ahaa ragga ugu sar sareeya saraakiisha xisbiga republican-ka ayaa waxey keentay in taariikhda dib loogu noqdo bal inay horey u dhacday qof ilaa heerkaa ah oo lagu jabiyey doorasho hoosaadka labada xisbi midkood, waxaa la soo xusuustay keydkana laga soo helay Mr. Thomas S. Foley oo ahaa gudoomiyihii aqalka Congress-ka in looga adkaaday doorashadii guud sannad kii  1994-kii.

Hal doornimada siyaasadda waxey keentaa in lala socdo hadba talaabada aad qaadeyso lana geliyo bogga taariikhaha, Mr. Tony Blair ayaa la sheegaa inuu ahaa ninkii soo nooleeyey Xisbiga Labor-ka oo uu ka tirsanaa kadib dedaal badan oo uu geshay iyo aftahannimo dheeraada oo uu la yimi, taa soo keentay in uu ku guuleysto in uu ra’iisal wasaare u noqdo dalka Britain sannadkii 1997-dii, hadaba marka laga hadlayo sida loo soo nooleeyo xisbi siyaasadeed oo sii dhimanaya  waxaa tusaale loo soo qaataa Tony Blair oo taarikhda laga eegaa sida uu wax yiri. Sheekooyinkan iyo malaayiin kale oo badan ayaa ka dhaca wadamada dadkoodu jecel yihii in isbedel la helo mar walba, dadkaasina waxey heystaan wax yaabo badan oo ay ka sheekeeyaan oo taariikhahooda soo maray xagga siyaasadda, dhaqaalaha, tacliinta IWM. Laakiin akhristow waxaad ogtaa inaanu taariikh sameyn qof dictator ah oo 40 sano kursi isaga fadhiyey, ma oran karno Mr Mugabe-ga Zimbabwe ayaa taariikh sameeyey ama Qadaafigii reer Liibiya, Max’ed Siyaad-kii Soomaaliya, Xusni Mubaarak-gii Masar iyo dictators-ka kale ee iyagu aan ogoleyn wadamadoodu inay noqdaan kuwo fur furan isbadelna diyaar u ah.

W/Q: SAID ABDI HIRSI

Los Angeles, California.

Email somalitimes@gmail.com