Faallo: Allaylehe maantaan taageerey Maxdaxwayne Xasan Sheikh !!.

Waan fahmi karay sababta ay dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba ay u taageereen doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari iyo tii ka danbaysay ee Madaxwaynaha.

Dadka Soomaalidu runtii waxay ka daaleen madaxwayne shisheeye gacantiisa ku soo dhoodhoobtay, laguna ballamay innaguna danaheenna aynu fushanno, adiguna wixii jeebku kuu qaado ayaad leedahay.

Qof Soomali ah ha ka nixin, innaguna u nixi mayno. Warkaan sheegno waa run dheh, adigoon ka baqayn Allaah iyo ummadda
Soomaliyeed inaad danbi ka gashid toona. Sidaas daraadeed, waxay badidoodu ka sinnaayeen inaysan Muqdisho dhaafin .

Markii madaxda cusub ee Soomaaliyeed la doortay, aad baan ilaahay u baryay, anigoo leh, alloow dhibaatada na haysata waad aragtaa,
meel kasta ayaynu daadsan nahay ,magaceenna ayaa dunida laga faanaa, wixii xunba ma Soomaalibaa baa caado noqotay.

Dhiigga qofka Soomaaliyeed baa qiima beelay, qabiil, gobolaysi iyo goosasho ayaa faan dhexdeenna ka noqotay, tuulo kastaaba
madaxwayne u gaar oo wax matare ah ayaa loo magacaabay. Alloow Soomaalidu waa wada muslimiin, in badan oo mu´miniin ahna way ku jiraane, rajadayada noo dhabee oo madaxdaas cusub kuwo
aan u baxsanno nooga dhig.

Isniintii waxaa i gashay farxad, kolkaan maqlay Madaxwaynihii isagoon Addis-Ababa wali tagin buu Baydhabo tagay. Waxaan xalay is-iri “toloow muxuu Beledwayne u booqan waayay iyagaa dhibaato haysataaye?” Talaadadii kolkaan maqlay Madaxwaynihii Beledwayne ayuu ka dagay isagoon Nairobi iska xaadirin, sidii hooyo uu wiilkeedii oo Yurub ama Maraykan jooga uu 100 keliya u soo diray, oo uu bishaan 100 kale ugu soo daray, ayaa inta farxaddii iga badatay, oo gacmaha kor u taagay baan ku iri, “Alloow ku guulee, nabadna kugu soo celi”

Waxaan is waydiiyay “miyaynu u baahannahay Ra´isalwasaare ? Maxaynu uga baahannahay ? Waxba ayay ila tahay”

Bal Akhristoow ka fakar, hadduu Ra’iisul Wasaaruhu noqdo mid waxmatare ah, shisheeye u adeege ah, wuxuu helana xubnaha
Baarlamaanka ku xod xota si aan loo cayrin. Madaxwaynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaankana ay wada shaqayn waayaan, sow
himiladii iyo neecowdii aan filaynay khasaare ma noqonayso.

Dr.Abdi Farah Taano
taano1@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.