FAALLO: Mudane Madaxweyne Noqo Ma Baqe, Ma Naxe Go’aan Adag.

Mas’uuliyadda madaxweyne qaran waa xil aad u culus oo qofka qabta laga rabo inuu yeesho sifooyinka loogu guullaysankaro, dalka iyo dadkuna mahadiyaan. Fadlan ka leexo jidka xukuumadihii hore mareen kuna fashilmeen muddo 22 sano ah. Fadlan TALADAN qaado haddii aad rabto inaad soo noolayso qaranimadii iyo dawladnimadii Somalia ummadaadana ka saarto masiibada dagaallada sokeeye ee ku habsatay mudada 22 sano ah.

Taladanu waxay ka koobantahay 7da arrimood ee soo socda:

1. Mudane madaxweyne adiga iyo ra’iisal wasaaruhuba Dhegaha ka furaysta marba beel xanaaqda oo ku hanjabta inay dawladda ka baxayso haddii aan la siin jago wasiir. Qaranimo iyo dawladnimo kuma dhisanto raalligelin rabitaanka inta yar oo loo yeelo iyo inta badan oo loo afduubo inta yar (Qaran beel ka weyn). Somalidu waxay ku maahmaahdaa, “Nin lammaan oo shir ka duday siigo yaraa.” Ha u debcin rabitaanka danta inta yar. Waxkasta ka horraysii danta guud ee qaranka si aad ugu guullaysato xilka soo celinta qaranimada iyo dawladnimada Somalia.

2. Damjadiid yaanay ku afduubin oo kaa soo horjeedin ummadda. Damjadiid kuma dooran ee waxaa ku doortay baarlamanka ummadda. Diid rabitaanka shakhsi ama koox rabta jago lagu gaadho dano gaar ah oo lugooyo ku ah dadka baaba’san iyo dawladnimada lunsan 22 sano. Dal dhisan iyo dad dhisan oo madaxdiisa lagu soo doorto doorasho shacab ayaa marba xisbiga ku guullaysta talada dalka qaataa jagooyinka dawladda ee muhiimka ah. Maanta arrintaasu suurtogal kama aha Somalia waayo waa dal burbursan iyo dad aad u tabaalaysan oo wadajir uun dhibaatooyinka taagan wax looga qabankaro. Waa xilli loo baahanyahay in la isku soo jiido la iskuna keeno ummadda si wadajir loogu soo celiyo qaranimada iyo dawladnimada Somalia ee godka dheer ku jira. Lama joogo waqti la kala bursado jagooyinka dawladda waayo ma jiro xisbi ama koox maanta keligeed dalka wax ka qabankarta laxaadka dhibaatooyinka jira awgeed. Damjadiid (ظع„ظع… ظع„ظ،ظعŠظ) ma ahayn xisbi dadku yiqiin ama ka jirijiray dalka Somalia. Damjadiid waxay ahayd koox is-bahaysatay markii hore dabadeedna la baxday magac xisbi si doorashada baarlamaanka ay uga qaybgalaan. Xaaladdaas adag ee dalku ku jiro awgeed, Damjadiid marnaba xaq uma laha inay ka sheegato ummadda jagooyinka muhiimka ah ee dawladda.

3. Mudane madaxweyne ogow in laguu doortay madaxweyne xilli dalku ku jiro marxalad aad u adag oo la rabo in gobolladiisa iyo beelihiisa kala tagan la isku keeno taasuna waxay kaaga baahantahay go’aan adag oo markasta ku salaysan maslaxadda guud si aad u heshid taageerada iyo kalsoonidda ummadda iyo baarlamanka. Caqliga maanta jira ee khaldan waxa uu aaminsanyahay in beeshii hoggaanka dalka qabata ama ciddii kale ee jagooyin muhiim ah ummadda u qabata ay nolol wanaagsan helayso inta kalena bakhtiyayso, tuhunkaasuna waxa uu lugta jiidikaraa hoggaamintaada. Arrntaas waxaad kula dagaallamikartaa kalsoonida shacabkana ku kasbankartaa musuqmaasuqa oo aan naxariis kaa helin. Cadaaaladdu waxay keentaa nabadgelyo iyo ummadda oo kalsooni ku qabta dawladeeda, nabadgelyaduna waxay keentaa deganaansho iyo horumar joogto ah oo saameeya qofka, qoyska iyo bulshada.

4. Xaaladda Somalia ku jirto awgeed waxaa la rabaa inaad noqotid madaxweyne baqdintu ka guurto, naxdintu ka haajirto marka tallaabo aad ka qaadaysid qofka ku xad-gudba danta guud, naftaadana ka xorrayso go’aan is-bedel badan oo fashiliya soo noolaynta dawladnimo iyo qaranimo dhab ah. Somalidu waxay ku maahmaahdaa 3 ayaa hoggaamin ka qaada, ” Guddoon jilicsan, gar eexo, iyo gacan gudhan”. Saddexdaba ka fogow.

5. Mudane madaxweyne adiga iyo Ra’iisal wasaarahu danta guud awgeed u wada tashada, khilaafka iska ilaasha, sirta dawladnimada wada dhawra, isku xaqdhawra oo isku xushmeeya waajibaadka mid kasta siinayo dastuurka idiin yaal hana isku xad-gudbina si aan dawladdu u fashilmin oo u qaadin jidka kuwii hore ku fashilmeen. Waxay Somalidu taqaan caado xun oo ah in ninkii noqda mas’uul qaran uu faramaroorsado ama faraha la galo hawlo uu leeyahay mas’uul kale arrintaasna waxa ka dhasha khilaaf xun oo ragaadiya dawladnimada iyo dastuurka oo noqda wax uun warqad ku qoran oo aan la qiimayn sidaasna dawladnimadu ku noqonweydo taabbagal. Arrintaas adiguna ka fogow ciddii ku dhaqantana tallaabo ka qaad waayo waa kelitalisnimo fool xun.

6. Tirada wasiirada haka dhiginina tiro xad-dhaaf ah oo dhaqaalaha dalka la degta ama tiro aad u yar oo inta wasiir dusha laga saaro dhawr wasaaradood uu ku jaahwareero oo uu qabankariwaayo xilka ummadda ee loo igmaday.Tirada wasiirada ee dalkasta iyo xaalad kastaba waxay ku habboontahay 14-15 wasiir, wixii wasaarad looga maarmana loo magacaabo wakaalado. Waxaa kale oo muhiim ah inaad golaha wasiirada ka ilaalisaan arrin sii kala fogaynaysa Somalأ­a iyo Somaliland carqalad weynna ku noqonkarta mustaqbalka sii ambaqaadka wadahaladii u bilowday labada dhinac. Arrintaas waxay noqonkartaa wasiirro la siiyo xubno ka soojeeda kana soo horjeeda Somaliland si loogu xumeeyo Somaliland sida xukuumadihii hore ee Somalأ­a ay samaynjireen. Wasiir aad siisaan qof ka soo jeeda kana soo horjeeda Somaliland waad ogtihin in aanu lahayn awood uu ku galo Somaliland. Arrinta Somaliland maaha arrin uu wasiir ama madaxweyne wax ka qabankaro balse waa arrin go’aankeeda uu leeyahay shacabka oo qura.

7. Mudane Madaxweyne dooro gole kula taliya (Advisory Board) oo leh sifooyinkan lagugula talinayo ee kor ku xusan si aad uga maaranto soo jeedinta iyo talooyinka xad-dhaafka iyo jaahwareerka ah ee madaxda dhaqank iyo siyaasiyinta oo qaarkood ku salaysanyahay dan shakhsi, koox, ama qabiil. Eebbe hakuu fududeeyo xilka weyn, hakugu guullaysiiyo, ummaddana haka saaro dhibaatada, Amiin. Wa Billaahi Towfiiq.

Ibrahim Hassan Gagale (B.A & B.S).

Ibrahim_hg@yahoo.com

Afeef: Aragatida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.