Faallo: Ururka “Damul-Jadiid” iyo Siyaasada Cusub ee Soomaaliya!

Waxaa beryahaanba isa soo tarayay hadalhaynta Urur Diimeed cusub oo la Magac baxay “Damul jadiid” ayadoo dadkuna ay siyaaba kala duwan uga hadlayn hadana waxaan Shaki ku jirin in uu ka dhashay (Damul-jadiid) Khilaafkii hareeyay Ururka Al-Islaax ee ikhwaanul Muslimiinka Soomaaliya.

Ayadoo dadka falanqeeya arimaha xarakaatka islaamiga ay sheegayaan in damul jadiid uu ka horeeyay khilaafkii ugu dambeeyay ee Al islaax guuxa ururkana uu ka dhex jiray ururka al islaax ee soomaaliya iyo laamihiisa dibada, gaar ahaan dalka sudan waxaana guuxaas lagu tilmaamay in uu ka dambeeyay dad badan oo al islaax ka tirsanaa oo aan la dhicin hoolaha ururka iyo isku koobida asaasayaasha ururka al islaax hogaanka iyo talada ururka al islaax.

Halkaana waxaa ka bilaawday dhaqdhaqaaq cusub ee dhiiga cusub (Damul-jadiid) ayagoo ula jeeda sida magacaba ku cad dhiiga cusub ee dacwada Ururka al-islaax ama (ikhwaan al muslimiin) laakiin (damul-jadiid) si rasmiya loo guma dhawaaqin waxaana uu ahaa dhaqdhaqaaq ku koobnaa gudaha (Al islaax).

Waxaana Ururka (Damul-jadiid) uu u badnaa dadka taageero Uruka Al-islaax ee aan sida rasmiga ah uga mid aheyn al-islaax sidoo kale waxaa dhaq dhaqaaqaas ka mid ahaa aqoonyahano iyo dhalinyaro ka tirsan ururka al-islax oo kala jooga gudaha dalka iyo dibada, haba u badnaadeen Dalalka (Qater-Sudan.

Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ka mid ahaa xubnaha ugu firfircoon ee taagera Ururka Al-islaax markii dambane ka mid ahaa hogaamiyeyaashii dhaqdhaqaaqa (damul-jadiid) ka dibna furtay Urur siyaasadeedka (PDP) ee uu hada hogaamiyo inkastoo Xasan Sh. Maxamud lagu tilmaamo inuu iska dhowro ka mid noqashada rasmiga ah ee Urur diimeedyada (Baycada) hadana lamo ogo jagada rasmiga ah ee uu u ahayay(damul-jadiid) lakiin waxa si weeyn usoo dhaweeyay is sharixidiisii xilka madaxweynaha ururka damul-jadiid ayadoo aqoonyahanada ururku ay Qoraala badan ku qorayeen bogaga kala duwan ee Soomaalida, Carabiga iyo Englishka intaba.

Sidoo kale wexey aad u adeegsanayeen TV.yada iyo Idaacaha Caalamiga iyo gudahaba ayagoo ka fogaanayay taageero gaar ah oo ay taa geerayaan madaxeyne Xasan Sh Maxamud balse taa bedelgeed waxay xooga saareen  soo noqoshada wejiyadii hore ee tagay oo ay si weyn u diidanaayeen ayaga iyo umada Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee waxaa maalin maalinta ka dambeysa soo if baxaya in guushii Madaxweyne Xasan Sh. Maxamud aysan ahayn guul lama filaan ah balse ay ahayd tartan ka qaybgalkiisii si weyn loo soo agadimey Dawladaha islamka iyo Carbtana ay qeyb Libaax leh ka qaateen Aydoo maalmahaane ay fasiri doonaan laakiin falanqeynta inteeda badan ay sheegayaan in masuuliyiin ka tirsan (damul-jadiid) oo ku sugan dalka qter oo ay ku jiraan aqoonyahano caan ah ay ka dhaadhiciyeen dawlada qater siyaasada madaxweynaha iyo barnaamijkiisa iyo mabdaiisa diimeed ee ikhwaanul-muslimiin ayadoo la wada ogyahay in qater ay tahay dawlda kaliya ee ah ikhwaanul-musliim marka laga hadlayo dawladaha khaliijka waxayna si weyn u fangareysaa ururada ikhwaanul muslimiinka ee ka jira wadamada carbta iyo islaamka.

Waxaana tusaale noogu filan Masar iyo tageerada warbaahineed ee al jaziira siiso ikhwaanka masar iyo tan lacageed ee guushii doorashada ka dib loogu deeqay masar 18bilyan mar kaliya ayoo laga yaabo iney sii socoto yaanan maduuca ka bixine beryahaanba waxey bogaga soomaalidu qorayeen in qater ay lacag ku deeqday doorashadii somalia in kastoo aan hadalkaa la hubin iyo qaabka loo bixiyay ayadoo ka fog laaluush sida tii imaaraadka ee shariif loo gu laaluushay qaar ka mid ah Baarlamaan hadana waxaan meesha ka maqneyn kaalinta qater iyo turkiga ay kulahaayen doorashadii si ay meesha uga riixaan daba dhilifyadii wadamada deriska oo ay wax badan ku daawaneyeen wadamada carabta iyo islaamka iney igad maamulato somalia.

Waxana taas loo sababeeyay isbedelka ka dhacay wadamada carbta iyo doowrka cusub ee turkiga aydoo dadka qaar eey sheegayaan in shirkii (itanbul) ka dhacay ee dalka turkiga in uu doowr weeyn uu ku lahaa guushii madaxweynaha kulankaas oo ay ka qeybgaleen aqoonyahano badan oo soomaaliya ayna ku jireen xubnahaan hore u soo sheegnay ee qater ka tagey oo shirkaas ka qeyqaatay iyo xubno kale oo dalka ka tegay oo dhirkaas lagu casuumay iyo odayaal dhaqameedyadii lagu murmay geeyntoodii hadaba waxa halkaa laga arki karaa sida ay ku doodayaan dadka siyaasada odrasa in shirkaas uu ahaa sababta ka dambeysay guushii madaxweynaha sababtoo ah waxaa goob joog ahaa dawlda turkiga oo shirka marti gelisay dawlada qater iyo sudan iyo xubnaha islaamiyiinta(damul-jadiid)iyo al islaax oo is wata iyo duubabkii dhaqanka.

Taa dhigeeda waxaa meesha ka maqnaa cadawgii somalia Ethobia  oo wafdi hooseeya uu matelaayay iyo saxiixayaashii road mabka sakiinoo mar hool dhamaatey yimid mooyee iyo faroole oo ku hadaaqay in meesha wax lagu maleegaayo shariif maxaakimne wuxuu mooday cida islaamigee uu faroole sheegay iney turkigu taageerayo inuu yahay asiga oo liiska odayada laqaaday waxaa laga bixiyay madaxtooyada.

Waxaan shaki ku jirin in siminaaradii duubabka loogu qabtay turkiga ee lagu wacyigelinayay inay soo xulaan xildhibaano sharaf leh aqoona leh intii duubabka wax tarka leh loo arkay eey dawlada turkiga iyo xulufadeeda ay ka dhameeyeen inay soo xulaan xildhibaano taageera xasan sheekh oo u badan aqoonyahano ka soo jeeda beelaha kala duwan ee somalia kuwaas  oo kanixiyay wereegii hore ee doorashada halka wareegii dambane laysugu tagay badbaadinta qaranka Ayadoo aan ognahay in dowlada turkiga ay hogaamiyaan ikhwaanul muslimiinka turkiga gaar ahaan xizbiga c/lla gul iyo erdogan ee aka paety.

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata saameynta sxb da cusub ee somalia in kasta oo ay muuqato iney qarinayaan saameyntooda si ay uga fogaadaan muran ka yimaada reergalbeedka oo saaxiibo culus mandaqada ku leh halka  wadamadan carabta iyo turki ay wax saaxiiba ku lahayn iyo ciidan toona sidaa awgeed waxay ku qasbanyihiin inay gaabsadaan inta laga heleyo dawlad somlia oo xoogan ama ay ciidamada amisom ay ciidan ugu darsadaan

Magacaabista Raisal Wasaaraha!!!

Magacaabista raisal wasaaraha waxaa hareeyay mugdi iyo jahawareer kuwa wax saadaaliyana waa ay fara laabteen laakiin waxaad moodaa in laga guuray nin jecleysi iyo raaligelin beeleed taa bedelkeed waxaa bedelay isbahaysi siyaasadeed iyo mid diimeed oo waxaad moodaa in uu madaxweynuhu latashiga dadka uu ku qancinayey ee uu horeba go aan uga gaaray intii uu murashaxa ahaa

taas oo lagu micneeyay in madaxweynuhu uu doonayo in uu wasiirka koowaad kasoo dhex xulo xubnaha (damul-jadiid) oo eey aad udoonayaan wadamada carabta gaar ahaan qater oo ufarta aqoonyahanada damul-jadiid ee qater jooga in nadaxwaynuhu uu soo magacaabo nin carabiga yaqaan fahmi karana siyaasadaha iyo arimaha carabta

sidoo kale waxaanan weli kala cadeyn moqfika ikhwaanul muslimiinka dalka masar oo ayagu weli ku dhegnaa midnimada ururka al islaax si gaarana u taageeraye murashixii baadiyow iyo garabkii cali bashi ee wada safnaa

Inkastoo madaxweynaha masar uu si wanaagsan uga hadlay arimaha soomaaliya

waxaana socda qorsha ay horkeceyso dawlada qater oo ah sidii ay u sameyn laheed isbahaysi siyasadeed oo u dhexeeya masar iyo qater oo ku saabsan sudii ay malafka soomaaliya ula wareegi lagayeen wadamada carbta  waxaana laga yaabaa in masar ay ka mid noqoto holgalka amisom ama ay dalbadaan wadamada carbta iyo turkiga in amisom lagu holgeliyo dallada un si ay uga qeyb qaataab nabadeynta sidii uu mersi ka dalbaday un ka

waxaa cad in damul-jadiid ay wadanka hogaaminayaan fursado badana ay heystaa iyo awood soomaaliya saaxiib la ah mid dhaqaale iyo mi siyaasadeed iyo mid milatery waxaana looga fadhiyaa dawlada cusub in ay ka faaideysato fursadahaas kana maaranyo cadawga umada kuna bedelato ciidamada amisom kuwa masar iyo turkiya si daacadana u tabavara ciidamada soomaaliya wadadaane lagu helo ciidan tayo leh iyo dawlad wax soo saar leh oo laga faaideesto maalgashiga khaliijka iyo tyrkiga si barwaawo iyo baraaro deg deg ah loo

Allow soomaaliya noo dhoowr

WQ: C/rashiid Soomaali

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan