FAARAX C/QAADIR miyaa na qiyaamay mise C/Weli Gaas baa been sheegaya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Garsoorka iyo arrimaha Federaalka Faarax C/qaadir wuxuu dhowaan ku dhawaaqay in la magacaabay Guddi qubaro ah oo 5 xubnood ka kooban, loona xil saaray dib u eegista dastuurka, isaga oo guddigaasina ku tilmaamay inuu yahay Guddi madax-bannaan.

Si kastaba, madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/weli Gaas oo dhowaan hadlay isna wuxuu sheegay in Caasho Geelle Yuusuf oo xubin ka ah Guddigaasi in Puntland ay u meteleyso Guddiga.

Qaar ka mid ah bulshada waxey isweydiisanayaan cidda ay warkooda rumeysan karaan Wasiirka dastuurka & Madaxweynaha Puntland iyo sababaha mar walba qaar ka mid ah maamulada hoostaga dowladda dhexe ay isula dhiririyaan dowladda.

“ C/weli Gaas wuxuu yiri gabadhaas annaga ayey wakiil naga tahay, wasiirka dastuurku waxa isna waxa uu sheegay in Guddigaasi uu yahay guddi madax-bannaan, iyada haddii ay ka wakiil tahay reerkaas, 4-ta kale yeey ka wakiil yihiin Dowladda waxaan ka codsananeynaa in ay inoo caddeyso ciddii aan warkooda qaadan laheyn iyaga & C/weli Gaas.? ” Sidaas waxaa yiri C/llaahi Yariisow oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaalida.

Yariisow wuxuu intaa ku daray in ay jiraan dad badan oo rumeysan in uu jiro isku dhex yaac u dhexeeya dowladda iyo qaar ka mid ah maamul beeleedyada Soomaalida, taasina mid dhaawaceysa hannaanka dowladnimo.

“Waxaa nasiib darro ah in Puntland oo ah maamul ay sameysteen beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ay mar walba ku qabsadaan dowladda dhexe shaqadeedii, taasina waxey ka mid tahay dhaliilaha loo jeedinayo Madaxweyne Xasan Shiikh” ayuu yiri Yariisow.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in haddii ay run tahay in Caasho Geelle ay wakiil ka tahay belaha Puntland, taasi oo ay u badan tahay inay run tahay, maadaama Cabdi Weli Gaas ku qanasan yahay, in markaas Faarax Cabdulqaadir uu qiyaannay beelaha kale iyo maamulada kale ee dalka, oo cid u matasha guddiga aanu ugu jirin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com