Faarax Sh C/Qaadir oo sharaxay sababta wax looga badalaayo dastuurka

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka garsoorka iyo arrimaha dastuurka xukuumadda Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa sheegay in dowladda aaney wax faragalin ku sameyn doonin guddiga madaxa banaan ee dib u geesta dastuurka kuwaasoo dhawaan la magacaabay.

Wasiirka Caddaaladda iyo arrimaha dastuurka ee Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ka hadlayey kulan looga arrinsaday dastuurka oo lugu qabtay Muqdisho ayaa sheegay  in guddi ka kooban 5 xubnood oo madax bannaan loo magacaabay dib u eegista dastuurka.

Wasiirka arrimaha guddaha iyo federaalka, Cabdullahi Goodax Barre oo isaguna ka hadlay kulanka ayaa bogaadiyey magacaabista guddiga madaxa bannaan.

Guddoomiyaha baarlammaanka federalka ah ee Soomaaliya, Prof.  Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacbiga Soomaaliyeedba ay ku kalsoon yihiin guddiga, lagana rajeynayo wax qabad ku dhisan caddaalad.

Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaraha Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com