Fadhi ku dirirka iyo faallada shacabka (Sheeko Siyaasadeed xiiso badan)

Dharaar weliba sheeggeed,

dhacdo weliba hadalkeed,

Arrin laga dhursugayaa,

Ismaan dhaafka keentee.

Waa sheekadeenii taxanaha ahayd ee araahda Dadweynaha iyo kala feker duwanaanshaha, iyadoo aan sidii caadada ahayd ku soo qaadan  doonno, asxaabtii horre iyo Rag cusub ee ka faalloon jirey arrimaha iyo wacyiga dalku hadba meesha uu marayo, bal maantana waa tane ka bogasho  wacan.

Xaaji Ducaale: Hello, Hello, Hello, Asc  war ma ninkii  Doobirbaa?

Xaaji Doobir: Haa Xaaji Ducaaloow, xaggeed joogtaan saaka, waan idinka waayey  Maqaamkeenii horre iyo maqaayaddii oo dhallinyaraa buuxdee, xageed aadeen?

Xaaji Ducaale: War miyaan laguu sheeginba? Meeshii waa lagu kala tegay, oo xitaa Booliis baa yimid, meeshii muran xooggan baa ka dhacay oo ragbaa isku daqrey, waxaana laysku maandhaafey Dowladda cusub iyo qorshaha Golaha WasiirradaDuqa Magaalada Muqdisho, iyo Arrimaha Jubbooyinka. Xaaladdu farahey ka baxdey ee halkii yarayd ee Masaajidka u dhawayd Majliskii Casariyahaan fadhiyaa aniga iyo Xaaji Duulduul oo arrinta ku soo baxaye noogu kaalay.

Xaaji Duulduul: War maxaa dhacay, bal ii warran Xaaji Ducaaloow? Sidee wax u dhaceen? Maxaase nimanka waaweyn isu geeyey?

Xaaji Ducaale: Adeeroow wax laysku dilaa meesha ma oolline, ninkii Xaaji Dirir ahaa iyo Diini ayaa muran xooggani ku dhexmaray meesha, markaasaa Xaaji Dowlad mar keliya  yidhi,  arrintu sidaa maaha Jubbooyinka Soomaali oo dhan ayaa wada degta, waana deegaan Soomaaliyeed, gobollada badankooda waa laysla degaa, deegaanka in la inkiraana ma fiicna, dabadeed wuxuu tiriyey reeraha dega: Jaleefan, Jiic, jadeer, jawdheer, jaleele, jilib, jeerin iqb, intaasiba waa degaan meelahay kala degaana waa sheegay,dee ninkii Dirir ayaaba intuu afka ka xunbeeyey mar qudha dagaal oodda kaga qaaday Xaaji Dowlad, Diinibaa isaguna xanaaqay oo Bakoorad madaxa ku bashaaqiyey Xaaji Dirir, meeshii waa laysla oogsaday, ciyaalkii ayaa mar keliya ku qeyliyey meesha fadhiyey Jubbooyinka waa laysla degaa, ninkii Xaaji Dirir ee aad ogayd dulqaadkiisa, ayaa ilaa saaka ciyaalkii iyo isagu is eryanayeen, oo kii yidhaahdaa waa laysla degaaba dhagax ayuu ku tuuraa ilaa Booliis ka yimaado oo la garbaduubey.

Xaaji Duulduul: Bismilaahi Raxmaani Raxiim, war niyaw Wallaahay waxbaa dhacay, kkk oo hadda ma waxaad i leedahay Xaaji Dirir wuxuu ka xanaaqayaa  Jubbooyinka waa laysla degaa? Waxaan beri anigoo socdaala tegay Magaalada Burco, Masaajid ayaan ku tukadey markaasaan arkay nin waalan oo ciyaalka eryanaya waxaan ku idhi: Odayaal meesha joogay maad ka celisaan? Waxay yidhaahdeen, waxba maqli maayo oo waa noocaasoo, wuxuu ka xanaaqaa waa la dhimanayaa, ninkii oo noo dhaw ayaan eraygii markaan maqlay anigoon is ogayn idhi maxaad tidhi? Waa la dhimanayaa ayuu ka xanaaqaayaa, dee intuu maqlay ayuu dhagaxii igu soo maguujey oo halkaa Salxanta igaga dhuftay oo dhiiggu butaacay, dee iminka waa halis, haddii Xaaji Dirir sidaa ku sii wado waa waalanayaa ee ma laga soo daayey Booliiska mise weli waa xidhan yahay?

Xaaji DucaaleXaaji Duulduuloow, Salxanyaha  mise Bidaarta, oo iminka bahasha miyaa la qariyaa? Waad iga qoslisay qoodhya xero. Ma xidhna Xaajigiiye, waa la soo daayey, oo markiiba Xaaji Dowlad ayaa  soo damiintey iyo Xaaji Diini, isagiina  cadhuu la maqan yahay ee waa inaan la soo hadalnaa oo u sheegnaa in Jubbooyinka la wada leeyahay, hadduu rumaysana waayana aan ugu dhaarana, illeen si kale malahane, haddaan sidaa la yeelin berri sooma bixi karo, oo ciyaalkii  ayaa magaalada ku sugaya.

Xaaji Duulduul: War maxaad tidhi aan u tagnoo u sheegno! War miyaadan ilaahay ka baqayn ma waxaad dooneysaa in sidii horre laygu daqrey inuu mar kale i daqro, intaan idhaahdo Jubbooyinka waa la wada leeyahay! War anigu odhan maayee  anigu waxaan odhanayaa Jubbooyinka, adiguna waxaad tidhaahdaa waa la wada leeyahay, adiga ha ku daqro hadduu doonayo,  laakiin bal aan sugno Xaaji Doonbir wuxuu ka yidhaahdo arrintan, ninkii Darwiish ahaana ninkaasa hadal cadde aan u yeedhno Deyr, Daruur, Damal, Daacad iyo Damac asaxaabtii oo dhan yaan loo kala hadhin.

Xaaji Doobir: Asc  war xaaladdiina iyo Caafimaadka ka warrama?

Xaajiyadoo dhan: Waa ilaahay mahaddiiye soo dhawoow Xaaji Doonbir iminkaanu afka kugu hayneye.

Xaaji Duulduul: Xaaji Ducaaloow u sheegdee sidii wax u dhaceen iyo halka xaal marayo, bal adigaa Goobjoog ahaaye.

(Xaaji ducaale ayaa u guud maray  arrintii Xaaji Doonbir)

Xaaji Doonbir: kkkkk, wallee qosol baa ka dhacay, dee haddaba yaa u sheegaya Xaaji Dirir Jubbooyinka waa la wada degaa? Anigu ninkaas xidid baan nahay kana xanaajin maayo, haddii arrinku sidaa yahayna, waa in aad u tagtaan oo sheegtaan, in waxani iska dhammaanayaan, oo Jubbooyinka iyo Soomaaliya iyo meel walba  la wada dego!

Xaaji Duulduul:Dee Xaaji Diini iyo Xaaji Dowlad wuxuu kula dagaallamay illeen nagama jeclee, hadduu nala dagaallamo ka warran?

Xaaji Deyr: Asc war saw nabad maaha? Dee waan maqlay waxa dhacaye, waase adduunyo iyo xaalkeede nimankii ma lagu baxay ? mise weli waa taagan tahay?

Xaaji Duul duul: Wcs, waa la fiican yahay dhibna ma jiro intaad ogtahay uunbaa dhacday, balse, waxaa la waayey ninkii Xaaji Dirir ku odhan lahaa waad geftey, waadna dagaallantay , nimankii saaxiibbadaana qaladbaad ka gashay, kaftankuna inuu heerkaas gaadho maaha, Xaaji Dirir waa in xaal laga qaadaa oo loo sheegaa in Jubbooyinka la wada degan yahay, dalka oo dhanna la wada deganyahay, balse, yaa u sheegayaa meesha taal? Illeen Xaaji Dirir waa soo jeestaye!

Sheekadii oo halkaa maraysa, ayaa waxaa soo galay Odayadii kale ee la sugayey  si wada jiraa laysu salaamay, xogtiina laysugu sheegay iyo sida wax u jiraan, qosol iyo jareexo ka dib waxaa go’aan lagu gaadhay in  Xaaji Dirir loo tago.

Xaaji Daacad: Nimanyahow, maahmaah Soomaaliyeed ayaa tidhaahda “Nin magaalo ka dudoow siigo yare” waxaan ula jeedaa Xaaji Dirir waa nin cidla ka xanaaqey, meel heblaayo waa la wada leeyahay  ceeb maaha oo waddanka oo dhan ayaa la wada leeyahay, waddanka reer gaar ah, iyo beel gooniya ma lahee Soomaalibaa leh nin walbaa halkuu doono ayuu degi karaa,  balse  deegaamaada ayaa loo kala badan yahay, waxaasina wax rag waaweyn ku hadlaan maahee, Xaajiga Maraddaa ka dhacdaye waa inuu xaal gole jooga bixiyaa, nimankuu la dagaallamey ee intey ka roonaadeen soo damiintey weliba, waxaasoo kalena waa ceeb, Odaygii wax dhiqi lahaa  hadduu isagii wax dhimaale geysanayo, dadkan yaw maqan?

Xaaji Damac: War heedheh  dalka waa la wada leeyahay, lahayne, dalka  saw nin weliba ma garanahayo meesha uu degan yahay iyo deegaankiisa, ma cid baa ka xoogahaysa, haddee 20kii sano ee la waalnaa wixii la kala qabsadaa hadda laysu celinahayaa ayaanba maqlahayee, wax cusub ayaa la kala boobahayaa ma sugahayn, Xaaji Dirirna sheekadii afka hadduu gacan u bedelay qoodh iyo xero maraddaa ka dhacdaye, Jubbooyinka waa la wada leeyahay anigaa u sheegahaya, ee ii geeya “Run iyo Ilkoba waa la caddeeyaa” “Hadal aan run laga sheegaynna waa ragaaddaaye” ninkaas ha loo sheego in Jubbooyinka la wada leeyahay.

Xaaji Darwiish: Nimanyahoow hadalka yaan laysa saarin, Xaaji Dirir Jubbooyinka waxba kama geline, Jubbooyinkaas arrintoodu Dowladda Soomaaliya ayay u taalla iyo dadka taladeeda ka go’dee, ninka isaga dhib ayaa gaadhay oo sidaan maqlayo waa daqran yahay, mase dillaacin, isaguna foolxumo ayuu sameeyey, ee arrinta  Odayaasha aan galno, ninka waa inaan ku dhahnaa u dhaqan si dabacna, haddii kale, Wallaahay waa halki “Cigaale waddo ayuu inagu furi doonaa halaq mareena” dagaal sokeeye ayuu ninku billaabay ee waa in  laynaga qabtaa!

Waxaa laysku raacay in loo tago Xaaji dirir, sheekaduna waa madlantahay oo weli guux baa jira waxii lagala kulmi doono Xaaji Dirir oo isaguna cid dirsaday oo Odayaashii markey la hadleen odayaal kale oo xigaalkiisa ah guriga ku diyaarsaday la soco qaybta danbe .

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan