Fahad Yaasiin iyo Sheekh Shariif oo kulan yeeshay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Sida aan xogta ku helnay kulankan ayaa ka dhacay hoyga uu Xamay ka degan yahay Sheekh Shariif, oo taliyaha NISA uu ugu tagay, waxaana uu soo dhamaaday abaare 2-dii subaxnimo ee jimcaha maanta ah.

Sida aan xogta ku helnay, waxaa kulanka looga hadlay xiisaddii dhowaanahan ka dhex taagneyd dowladda iyo Shariifka taasi oo xoogeysatay toddobaadkan markii madaxweynihii hore lagu xanibay garoonka Muqdisho isaga oo kusii jeeda magaalada Beledweyne.

Xubno xog ogaal u ahaa kulanka ayaa ku qeexay “mid xaalad qaboojin ah” oo lagu dimanayey xiisadda, xalna looga gaarayey wixii dhacay.

Waxaa la isku soo qaaday in xal laga gaaro waxyaabihii dhacay islamarkaana la xaqiijiyo inaysan dib u dhicin.

Wararka aan kulanka ka helnaya ayaa sheegaya inuu ku dhammaaday is-faham la iskuna afgartay in ay dhacaan kulamo kale oo dheeri ah, oo lagu xaqiijinayo in xaaladdan si buxuda loogu gudbo.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka warbixinta kulanka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com