Fanaanad caan ah oo aabaheed lagu dilay Muqdisho.

 Kooxo hubaysan ayaa maqribnimadii caawa degmada Waaberi ee Gobolka Banadir ku dilay Alle ha u naxariistee Abwaan Warsame Shire Cawaale oo ka mid ah abwaanada Soomaaliyeed ee sida weyn loo yaqaan.

Abwaanka ayaa waxa uu ku sugnaa xiligii la dilayay meel u dhow masaajid ku yaal Degmada Waaberi ,waxaana uu isku diyaarinayay inuu aado  masaajidka.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay saxaafada ayaa  sheegay in markii la dilayay abwaanka inuu ka agdhawaa goobta.

Abwaanka ayaa waxa uu ka tirsanaa bilihii ugu dambeeyay radio Kulmiye oo ka mid ah idaacadaha  magaalada Muqdisho.

Warsame Shire Cawaale ayaa dhalay Fanaanada Ayaan Warsame Cawaale oo kusoo caan baxday heesta KAMPALA ADAA I BADAY.

Wariye ka tirsan Radio Kulmiye ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in abwaanka muddooyinkii dambe inuu sameynayay ruwaayado ay ka mid tahay ruwaayada SHANDARALEEY.