Farmaajo iyo odayaasha Hawiye oo ka dooday xiisad ka taagan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in kulan khaas ah uu dhexmaray Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Odayaal ka kala tirsan beelaha Hawiye.

Madaxweynaha iyo Odayaasha ayaa kawada hadlay xalada uu ku jiro dalka iyo Ololaha Hub ka dhigista ee galaaftay nolosha dhowr Askari oo ka tirsan ciidamada dowlada oo la doonayay in Hubka laga dhigo.

Madaxweynaha ayaa Odayaasha sharaxaad kasiiyay Barnaamijka Hub ka dhigista iyo sida uu ku bilowday, waxa uuna tilmaamay in Barnaamijkasi uu yahay mid ay si wada jira u fulinayaan ciidamo isku dhaf ah.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in Barnaamijkasi uu yahay mid loola gol leeyahay xasilinta magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in amarka howlgalkaasi uu yahay mid kasoo baxay Xafiiskiisa, sidaana ay ku dhaqan galiyeen Hay’adaha amaanka.

Waxa uu Odayaasha ka dalbaday inay ka shaqeeyan amniga, isla markaana taageeran Barnaamijka Hub ka dhigista.

Sidoo kale, Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa Madaxweynaha ka dalbaday in wax laga bedelo qaabka uu ku socdo Barnaamijka Hub ka dhigista waxa ayna cadeeyen inuu ka dhalankaro amni darro ka duwan tan hadda ka jirta dalka.

Waxa ay tilmaameen inay muhiim tahay in la dib dhigto howlgalka Hub ka dhigista isla markaana lagu hormaro wacyi galin si aanu u dhicin dhibaato.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha ayaa Odayaasha ku adkeeyay in dhankooda ay ka raacan howlaha socda, ama ay Hubka ka dhigaan Carruurtooda si uu dalka u xasilo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com