FARMAAJO iyo ROOBLE oo ka falceliyey doorashada guddoomiye ku-xigeenada

Muqdisho (Caasimada Online)– Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka falceliyey doorashada guddoomye ku-xigeenada golaha shacabka Soomaaliya ee maanta dhacday. Hoos ka aqriso qoraallada ay soo saareen.

Qoraalka Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Guddoomiye Ku-xigeennada Cusub ee Golaha Shacabka oo loo kala doortay, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar  iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, isaga oo Alle uga baryey in uu u fududeeyo mas’uuliyadda loo doortay.

Qoraalka Rooble

Waxaan u hambalyeynayaa Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka BJFS xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo caawa la doortay.

Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu la garab galo mas’uuliyadda qaran ee culus ee loo doortay.

Maadaama Guddoomiye Sacdiyo tahay gabadhii ugu horreysay ee qaranka Soomaaliyeed u qabata xilkan sare ee muhiimka ah, sidaas darteed waxaan hambalyada la qeybsanayaa guud ahaan haweenka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, anigoo guddoomiye ku-xigeenka iyo haweenka Soomaaliyeedba u rajeynaya horumar iyo guulo joogto ah.