Farmaajo oo hal sabab ku sheegay inay la heshiiyaan dowladaha kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday sababta keliya oo ay kula heshiiyeen dowladaha Caalamka ka sokow go’aankiisa hore.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in go’aanka dowladiisu uu ahaa inay ka gaabiyaan xiriirka Diplumaasiyadeed ee kala dhexeeya caalamka, waxa uuna sabab uga dhigay in Somalia ay awoodo inay lasoo baxdo dhaqaalaha ku jira dhulkeeda, si fursad loogu helo soo saarka Kheyraadka.

Waxa uu tilmaamay in isku haleynta caalamka uu hoos u dhac u keenaayo rajadii ay ka qabeen inay kula soo baxaan kheyraadka ku jira dhulka Hoyo.

Waxa uu sheegay in sababta ugu weyn ee iminka soo dadajisay la dhaqanka adduunka intii kale ay tahay in Somalia aysan heysan dhammaan wadiiqooyinkii sahli lahaa soo saarida kheyraadka ku jira dalka ee fududeyn lahaa in Somalia ay uga maaranto dowladaha shisheeye.

Waxa uu intaa raaciyay in weli uu ku taagan yahay go’aanka ah inaan gamcaha loo hoorsan dowladaha shisheeye balse ay ka qaatan wixii deeq ah, taa oo lagu hagaajin doono kaabayaasha dhaqaale ee dalka si Somalia ay uga maaranto in caalamka ay gamcaha u hoorsato.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay kheyraadka ku jira dhulka Somalia oo uu sheegay inay kaga filan tahay in sacabada loo hoorsado dalal shisheeye.

Waxa uu ballanqaaday in dhammaan deeqaha kasoo xarooda ballanqaadyada kasoo baxay shirka London uu galin doono dalka, si kumanaan shacab Soomaaliyeed ah ugu anfacaan.

Haddalka Madaxweynaha ayaa imaanaya xili uu dhawaan shaaciyay in dowladiisu ay ka fiirasan doonto in sacabada ay u hoorsato dalal shisheeye.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET