Farmaajo oo jaanis weyn u helay inaan mar dambe DF laga mucaaradin Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) –   Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka dhawaajiyey inuusan mar kale kusoo laaban doonin xilka madaxweynimo ee maamulka Puntland oo ay uga harsan tahay muddo hal sano ah.

Gaas oo ka hadlay furitaanka haamanka shidaalka garoonka Boosaaso, ayaa sheegay inuusan kusoo noqon doonin hoggaanka maamulka Puntland haddii uu dhameysto waqtiga uga haray xilligiisa oo ah illaa hal sano.

Gaas oo dhalleecanaya dad uu sheegay inay qal-qal siyaasadeed ku hayaan Puntland ayaa yiri “kuwa doonaya in xukunka yimaadaan, waqtiga yar ee noo haray ha sugaan, anagaaba dooneyna inaan banneeno oo aan sii jooginee”.

Haddaba maamulka Puntland ayaa inta badan ka hor yimaada tallaabooyinka ay qaado dowladda dhexe weliba waxaa ugu darneyd inta uu xilkaan hayey Cabdiweli Gaas oo la ogyahay inuu dagaal adag kula jiray madaxweynihii hore ee Xasan Shiikh Maxamuud.

Gaas waa nin inta badan jecel inuusan ku shaqeyn siyaasadda dowladda dhexe ee fadhigeedu yahay Muqdisho taasoo keentay inay dhawr jeer isku dhacaan dowladda iyo Maamulka Puntland.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa heysto jaanis weyn oo uu taageero fiican kaga heli karo maamulka Puntland hal sano kadib marka uu xilkaas ka dago Cabdiweli Gaas.

Dadka fallanqeeyo siyaasadda ayaa aaminsan in haddii uu Gaas ka baxo meesha uu Farmaajo Jaanis fiican u heli doono inuu xiriir wanaagsan la yeesho maamulkaas oo yeelanayo markaas madaxweyne cusub.

Cabdiweli Gaas ayaa lagu tiriyaa inuu yahay nin inta badan mucaarad ku ah dowladda dhexe xataa inta badan ma dhicin inuu u hoggaansamo go’aanada dowladda kasoo baxo iyo heshiisyada ay gasho wuxuuna isku arkaa inuu yahay shaqsiga ugu sarreeyo dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu ololo weyn u galo inuu Puntland madaxweyne ka noqdo shaqsi ku shaqeeyo mabaadi’diisa si ay dowladiisa wax badan u qabato.

Inta badan dadka reer Puntland iyo siyaasyiintooda ayaa ka hor imaaday maamulka Cabdiweli Gaas waxaana dadka ugu horeeyo ee mucaaradsan ka mid ah madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaaxn Faroole oo hadda kamid ah Odayaasha sare ee dalka.

Gaas ayaa amray inaan Faroole lagu soo dhaweyn dhulka Puntland taasoo keentay in Garoowe laga dareemo saansaan colaadeed oo keentay inay ciidamo taageersan Faroole soo dhaweyn weyn u sameeyaan.

Maamulka Puntland ayaa muhiim u ah dowladda Soomaaliya haddi aysan helin taageerada maamulkaas macquul uma noqon doonto inay horey usii socoto waxaana Farmaajo looga fadhiyaa inuu dagaal u galo sidii uu kursigaas ugu fadhiisan lahaa shaqsi isaga taageersan.

Cabdiweli Gaas ayaa hadda waxaa waqtigiisa uga dhiman muddo hal sano ah kadibna waxaa Puntland ka dhici doono doorasho uusan isaga kasoo qeybgelin maadaama uu sidaas go’aansaday.

Haddaba waxaa laga warsugayaa sida uu noqon doono xiriirka Dowladda cusub inta uu maamulka hayo Gaas iyo marka uu ka dago taasoo laga yaabo inay muujiso saameynta uu Cabdiweli Gaas ku lahaa dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com