Farmaajo oo war cusub ka soo saaray xildhibaanimadii maanta loo dhaariyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa qoraal mahad-celin ah kasoo saaray go’aankii uu maanta Golaha Shacabka ka qaatay in uu noqdo Xildhibaan abadiya ah.

Farmaajo ayaa ugu horeyntii sheegay in uu garowsan yahay in xubinnimadan joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay tahay masuuliyad qaran, taasi oo uu soo gutay maanta, sida uu hadalka u dhigay.

“Alle ayaa mahad leh, waxaan maanta soo gutay dhaarta Xildhibaannimo ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, aniga oo fulinaya qodobka 64-aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee dalka,” ayuu yiri.

“Waa oo mudan in aan kaga shaqeyno danta dalka, dadka iyo diinta, fursado wanaagsanna ugu abuurno ubadka Soomaaliyeed.”

Sidoo kale wuxuu uga mahad-celiyay guddoonka iyo xildhibaannada Golaha Shacabka soo dhaweyntii wanaagsaneyd, isaga oo Alle ka rajeeyay in uu dalkeenna ka yeelo barwaaqo iyo nabad waarta.

Kadib dood ka dhalatay kulankii maanta Xildhibaanada ayaa cod gacan-taag ah ku ogolaaday in la dhaariyo Maxamed Farmaajo oo isla goobta loogu qabtay dhaarta, wuxuuna sidaas ku noqday xildhibaan abadiya ah.

Farmaajo waxaa ka horeeyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isna sanadkii 2017-kii loo dhaariyey xildhibaan aan dhicin oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba qodobka 64-aad farqaddiisa 4-aad ee Dastuurka KMG ayaa wuxuu dhigayaa in qof kasta oo noqda Madaxweynaha JFS marka uu xilka banneeyo inuu noqonayo xildhibaan Golaha Shacabka inta uu nool yahay, haddii aan xil ka qaadis lagu sameyn, ayada oona muddadii xil heyntiisa dhammaan, si waafaqsan qodobkan ka midka ah Dastuurka KMG ah.