Farmaajow cadowga koowaad waa midkan….ee ogow..!!

Shalayoo ay taariikhdu ahayd 22-02-2017, waa maalin ummadda soomaaliyeed oo dhan ay farxad iyo damaashaad meelkasta oo dunida ka mid ah lala sara taagan yahay, waa maalin taariikhda ummadda 40 sano ka badan dib  ugu soo noqotay, waa maalin xusuus galisay Odayaal ciraystay oo xusuusanaya maalin COD wax lagu kala qaadan jiray, waxay tahay maalin muhiim iyo sooyaal qurux badan u ah Jiilka cusub ee aan manta anigaba ka mid ahay, kuna soo koray collaad iyo Mashaakilaad aan kala joogsi lahayn, taasoo qaadatay noloshayda inta ugu badnayd.

Markaan sidaas leeyahay aqris iyo sahan badan aan ka kaydsaday waayaha ina soo dhaafay oo ku dhow 100 sano, waxaan fahmay in dadkeenu caadooyin dal dhis iyo deegaan dowladeed kaga dhan tahay in reer lagu amaano, cadow looga dhigto, laguna wax yeeleeyo ummad badan oo aan ogayn sababaha lagu gaarsiiyey dhibaato aysan galabsan, amaba shacab aan ogayn waxa jira.

Waxayna keentay Burbur QIYAMKA ummadnimo, taariikheeda iyo midnimo, taasoo uu uga faa’iideysto had iyo jeer Cadowgooda sooyaalkiiso Kumanaan jirsaday, iyo kuwa kale ee ku soo biiray ee Muslim iyo dad aan muslim ahayn labaduba lahayd, keentayna in Soomaalida ay noqoto Ummadda ugu dulaysan Dunida aynu ku nool nahay, loona yaqaano Ummadda Dhibaatada iyo Ihaanada ka macaashta ee aan dunida wax tan ah kala ahayn, Faqriga ah, ee waxkastoo aadmiga ka xishoodo ku caan baxday, oo haddana daadsan meelkasta oo dunida ka mid, daayac iyo hiirtaayo aan cidna ugu Garaabayn ku waayo Jirsatay.

Intaaso aan ka soo sheekeeyey iyo in ka badan, waxaa u sbab ahayd, nidaambka ku dhisan hadba madaxda soomaalida in reerkoodu la noqdaan madax, kana sareeyaan ummadda inteeda kale, ayagoo ula yimaada tacadiyo, xadgudubyo, iyo Cinwaan QABWEYN oo hadba ninka madaxweynaha noqdaa reerkeesu ugu itaal sheegtaan Bulshada inteeda kale.

XUSUUSO

Dowladdii RAYIDKA AHAYD

Dowladdii RAYIDKA ahayd ee soo martay dalka waxaa lagu eedeeyey Musuq Maasuqeeda inuu u sal ahaa QABIIL oo hadba ninka madax noqdaa halkuu doonaba dowladda hakaga jiree, in Tolkiisuna u awood lahaayeen hadba Itaalka uu WIILKEEDU ku leeyahay dowladda dhexdeeda, oo wixii meeshaasi yaala ay u bataan in reerkaasi u itaal badan yihiin, ama u sahlanaato wax ka qabsashada tolka uu ka soo jeedio. Tani waa Xaqiiq tajaabo aan u baahnayn laga soo arkay cidkastoo  soomaali ahna ay ka marqaati tahay, una baahan in ma maareeyo, kadibna aan dip naloogu celin wuxuu aan ka dhaxalnay 60-kii sano ee na soo dhaafay.

KACAANKA

Dowladdii Kacaanka ahayd, waxay ummadda ku taageereen in meesha laga saaro MUSUQA laga Cabanayey waxayna xooga saaraysay wax soosaarka Ummadda iyo hirgalinta cilmiga iyo dhaqaalaha ku dhisnaa Shuuciyadda, waana isla socdeen shacabta iyo dowladda 10-kii sano ee ugu horaysay, waxayse kala hareen Markii ALLAHA U NAXARIISTEE Maxamed Siyaad Barre Tolkiisu ay madaxweynayaan ka Noqdeen dalka Soomaaliya, kana geysteen Tacadiyo kaaney ugu dambeyn intii  Ummadda soomaaliyeed ay soo aragtay, taasoo mudan in laga faa’iideyso, laga garaadsado oo dibna u soo noqon  markale.

Qormada waxaan ula jeedaa Afeef u muhiim ah Madaxweynaha qaranka soomaaliyeed ee aynu manta dabaaldaga la qaybsanayn, shaqsiyan umana doonayo inuu noqdo nin Sumcadiisa dhulka lagu daro, ama uu noqdo Miriha soomaaliyeed oo qasaaray, waayo Teegeerada Ummadda waa TACAB iyo NIYAD meel qura isula jeedo, una bahan inaan la kala reebin.

Waxaan ula jeedaa markale iyo in ka badan in Madaxweynaha dalka Mudane Farmaajo, uu noqdo Albaabka Cusub ee is badalka ummadda iyo hirgalin Himilada Ummadda soomaaliyeed,  si niyad Furan oo qabiil ahayn, reer iyo nin jeclaysi ahayn, Cidkasta oo Soomaaliyeed kaga saraysiiyey, taasi waa Iraado illaahay siiyey Madaxweynaha.

Ogoow Maanta waxay la mid tahay 1960 maalintii Madaxweyne ADEN CABDULLE OSMAAN loo caleema saaray Ummadda Soomaaliyeed ee uu u jeediyey Qudbadan  Qiimaha badan ee taariikhiga ahayd ee uu ummadda u jeediyey una duceeyey, maalintaas waxay ahayd maamul xusuus badan ugu fadhiday ummadda markaa joogtay, ayadoo markaasi aaminsanaa dhibtii Qumeysiga in laga baxay oo ay heleen fursad illaahay u siiyey inay DANAHOODA  iyo NASIIBKOODA kaga faa;iideysan doonaan, taasi ayaa ahayd Farxadii ugu weynayd ee Ummadda soomaaliyeed, waxkastoo Himiladaasi BURBURIYEYNA waxaa u AABE IYO HOOYO NOQDAY QABYAALADDA.

Ka digtoonoow markastaba Gumeysiga inuu adeegsado soomaali  reernimo kaaga fo;aankarta, iska illaali inaad dhageysato reer kugu toosiya dhababa halaaga ama fursad siinaya cadowga soomaaliyeed, waayo waxyaabaha aan soo aragnay ayey ka mid ahayd, 1978 DHAAWICII XABASHIDA IYO SOOMAALIDA oo qoyan bay ahayd markii CABDILLAHI YUUSUF oo QARANKA wax u soo bartay la saftay CADOWGII SOO JIREENKA ummadda SOOMAALIYEED, waxaana u sabab ahaa HANAANKII QABALIGA ummadda soomaaliyeed, waxaa ku xigayna waa ka sii dartay oo SNM, iyo USC dhamaantood waxa gaarsiiyey burburka Ummadda iyo in GUMEYSI lala heshiiyo ay noqotay NINBA reerkiisa ha badbaadsado.

TALO iyo SOOJEEDIN.

Maalintii UGANDA  laysugu kaa tagay ee Jagadii Ummadda aad haysay  lagugu qabsaday,  in badan oo naga mid ah DHIIG KAR ayaa ku naxay ama Xanuun qalbiga ku dhaca, waxaa arkaynay in Baadilka ummadda lagu hayey Ninka Kaliya ee ka jawaabay aad adigu tahay, waxaan kuu aragnaa Ummadda Illaahay ee Soomaaliyeed inaad u tahay NASRIGA QARNIGAN Cusub, layskuna raacay oo Ummadda Soomaalida iyo dunida aan saaxiibada nahay oo dhan laga taageeray, waxaad tahay Shaqsiga kaliya ee Soomaali manta RAJADA u ah, waxaa kalood tahay ninkay dib uga joogsadeen Caddowga Soomaaliyeed oo kaga istaageen qaddiyaddaada, Ogoow inay Dib kaaga Joogsadaan micnaheedu inuu yahay inaad haysato XARGAHA midnimada Ummadda guud ahaaneed ama 99.9999%, taasoo ka dhigan Awoodda kaliya ee Soomaali manta leedahay inaad hormuudkeedii tahay.

Waxaan doonaynaa inaan awooddaasi sii adkayna kuuna shaqeyno Hagar la’aan, kugu amaano khayrka iyo wanaagga, hormuudna aad ugu noqoto guud ahaan ummadda QABIIL QALBIGA KA DHAAWACAY muddo aad u dheer, oo dareenka kaliya ee ay wax ku maqlaan ay tahay REER ama qabiil marka la magacaabo.

Ogoow Cidda soomaali ku dhex jirtaa oo u kala sheekeysaa waa middabo badan yihiin, cilmigeena wali ma gaarin inaan Fahamno kuwaasi, afkeena wax ku qara habeen iyo maalin, ee aynaan is weydiin waxay aaminsan yihiin, oo haddana lagayaabo inay naga qoon badan yihiin, ganayaana halka ummaddeena laga maro.

Markaan sidaasi leeyahay waxaan wali ka digayaa meesha kaliya ee lama taabtaanka ay ee CAQIIDDA iyo TOWXIIDKA ummadda u noqday waa QABIILKA oaliya, wana meesha kaliya ee daraasado badan oo soomaalida lagu sameeyey ugu jilicsan tahay. Inkastoo Collaad dheer iyo Abaaro dadka kala  daadiyey ay Jiraan, ummadduna ku daashay, haddana waa meesha kaliya ee lama taabtaanka ah, cadowguna wali aaminsan yahay inuu ummadda uga guulaysan karo.

Qormadaydan waa Digniinta QABIILKA CADLIGA inoo diiday, waana Digniin ku socota Madaxweynaha dalka Soomaaliya ee manta cidkastaba loogu jecel yahay.  Manta waa qof Qaali ah, laakiin KURSIGAN ayaa wax duleeya, Cadow Guud dal iyo dibadna waxkasta la dul joogaan.

ALLAHA KA DHIGO MID CADDAALADDA UMMADDA HOGAAN UGU NOQDA

Waxaa Qoray:  Ibrahim Abdi Geele

jinniishumi@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid