Faroole oo DF ku dacweeyey Yemen, maxaase jawaab ah oo la siiyey?

Sanca (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo wefti uu hogaaminayo ayaa shalay 24 Sep, 2013 gaaray magaalada Sanca ee xarunta Yemen halkaas oo ay kulamo kula qaateen madaxda Dalkaas .

Wasiirka Amniga Khaliif Ciise Mudan, Caafimaadka Cali Cabdulaahi iyo sarakiisha guriga looga arrimiyo Puntland, ayaa wehelinaya Faroole, waxana soo dhoweeyay wasiirka arrimaha gudaha Yemen, diblumaasiyiin iyo saraakiisha amaanka.

Kullankii ugu horeeyey ee Faroole uu la qaatay wasiirka arrimaha gudaha Yemen, ayaa looga hadlay xaaladda Puntland iyo tan guud ahaan dalka Somalia.

farta yemenFaroole, ayaa dowladda Yemen uga cowday dowladda federaalka ah ee Somalia, oo uu ku eedeeyey inay beddeshay dastuurkii dalka Somalia, sida uu in muddo ahba sheegayey.

Dowladda Yemen, ayuu ku codsaday inay cadaadis saarto dowladda Somalia, si buu yiri ay ugu hogaansato ku dhaqanka dastuurka.

Waxyaabaha uu soo jeediyey waxaa ka mid ahaa in taageerada iyo xiriirka ay u gaabiso, taasina ay ku qasbi karto DF inay is-beddel sameyso.

Waxa uu saraakiisha Yemen u sheegay inuusan wax wada hadal ah la geli doonin dowladda, illaa ay dastuurka ka hagaajineyso, sida uu hadalka u dhigay, inkasta oo dowladda Yemen aysan wax wada hadal ah usoo jeedin.

Madaxda dalka Yemen wax jawaab ah kama aysan bixin cabashada iyo soo jeedimaha Faroole.

Socdaalka Faroole ee Yemen ayaa imanaya ayada oo labadii toddobaad ee tagay ee laba wafti oo ka socda dowladda Somalia ay booqdeen dalka Yemen, halkaasi oo heshiisyo waa weyn lagu soo kala saxiixday.

Caasimada Online
Xafiiska Sanca
Caasimada@live.com