Faroole oo 2 qorshe oo ka dhan ah DF u aaday Nairobi iyo waqtiga oo ku yar

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiraxman Farole ayaa maanta 26 Aug, 2013 u dhoofay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxana wehelinayay wasiirka arrimaha gudaha Gen.Ilkajiir, Amniga Khaliif Ciise Mudan, Caafimaadka Dr.Cali Cabdulahi iyo saraakiil ka tirsan maamulkiisa.

Socdaalka Faroole ayaa ku saabsan laba qorshe oo labada la xiriir ama ka dhan ah dowladda Somalia.

Faorole oo garoonka diyaaradaha Garowe kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay inay u tagayaan Kenya sidii ay ula kulmi lahaayeen Midowga Yurub.

Waxaa la filayaa in uu Midowga Yurub u gudbiyo dacwad ka dhan ah dowladda Somalia, oo uu xiriirka u jaray iyo sidii Puntland loogu ogolaan lahaa inay si madax banaan uga qeyb gasho shirka New Deal ee ka dhacaya Brussels.

Sida ay Caasimada Online xogta ku heshay dhammaan dhinacyada Soomaalida ee ka qeyb galaya shirkaasi, ayaa loo sheegay inay ku daba feelaan dowladda Somalia, oo Somalia oo idil wakiil ka, taasi oo uu Faroole kasoo horjeedo.

Faroole oo horey u macaaraday dowladda Somalia, ayaan illaa iyo hadda wax jawaab ah ka helin DF, taasi oo keentay inuu u amba baxo Nairobi, ayada oo waqtiga uu gabaabsi ku yahay, shirka New Deal-na uu dhacayo bisha september bartamaheeda, sidaa darteedna uu isku dayayo ka hor shirka inuu qal qaalsado EU-da.

Dhinaca kale Faroole ayaa lagu wadaa inuu Nairobi kula kulmo siyaasiyiinta qas-wadayaasha Somalia, ee xubinta a yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com