Ahlusuna oo kashiftay siyaasada DF ee Cadaado

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Ahlusuna wal-jameeca, ayaa daaha ka rogay in Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu Cadaado isugu keenay Odayaal deegaan ahaan kasoo jeeda Magaalada Muqdisho iyo Gobolo kale.

Gudoomiye ku-xigeenka Golaha Fulinta Ahlu-sunna Axmed Cabdullahi Ilka-case oo iminka ku sugan Magaalada Cadaado, ayaa sheegay in DF Somalia ay shirka Cadaado isugu keentay Ergooyin laga soo uruuriyay Magaalooyin kale.

Waxa uu sheegay in DF kaliya ay hamigeeda kusoo koobtay sidii ay ku hanan laheyd Maamulka G/Dhexe iyo C/kariin Gulleed oo ka ah Madaxweyne.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayuu sheegay in dhaqaale xoogan uu ku bixinaayo sidii uu ku hirgalilahaa hadafkiisa, waxaana uu cadeeyay in ku dhawaad seddex meelood hal meel Ergooyinkaasi laga kala keenay Muqdisho, Garbahaarey iyo Gobolo aan khuseyn deegaanada Maamulka loo dhisaayo.

Dhanka kale, waxa uu walaac ka muujiyay qaabka uu shirka uga socdo Cadaado iyo faragalinta ay ku hayaan DF Somalia iyo Siyaasiyiin uu ku sheegay inay yihiin qaswadayaal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com