Faysal Waraabe oo dalab xasaasi ah u jeediyay Geelle, kadib safarkii Biixi ee Jabuuti

Hargeysa (Caasimada Online) – Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa markii ugu horeysay ka hadlay safar uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku tagay dalka Jabuuti, isagoona sheegay arrin uga muhiimsan qaabkii ay xukuumadda Jabuuti usoo dhaweysay Muuse Biixi.

Faysal ayaa sheegay inaysan macno buuran u sameynayn in madaxweynahooda loo dhigo roog cas, isla markaana loo dhiibo ubaxyo, balse taasi badelkeed ay ka jecel yihiin in xukuumadda Jabuuti ku dhiirato taageerada qadiyada Somaliland ee gooni-goosadka.

Waxa uu madaxweynaha Jabuuti ka dalbaday inuu ka marqaati kaco madax-banaanida Somaliland, isagoo fagaarayaasha caalamiga ka sheegaya inay Somaliland tahay dal jira oo ka madax-banaan Jahmuuriyada Soomaaliyada, hase yeeshe aan weli helin aqoonsi caalami ah.

“Waxaan arkayey Madaxweynaheena oo Jabuuti tagay, Qadiifad loo dhigay, Ubaxna loo dhiibay, Annagu waxaanu Ubaxaa ka jeclayn Ismaaciil (Madaxweynaha Jabuuti) oo kalmad wanaagsan noo yidhaahda oo ah inaanu dal ahaan jirnay, oo Wallo-weyntan uu u tagayo ee aan jirin uu ku yidhaahdo Dalkani dal idinku soo biiray buu ahaa oo 4.5-ka aad sheegaysaan muu jirin”.

Sidoo kale waxa uu madaxweyne Geelle u jeediyay inuu dowladda federaalka oo uu saaxiib dhow la yahay uu ka dhaadhiciyo in Somaliland aysan qeyb ka aheyn hanaanka 4.5-ka, oo ay tahay dal jira, horena u jiri jiray, sida uu hadalka u dhigay.

“Ismaaciil waxaanu leenahay sidii aanu kuugu shaqaynay ee aanu halganka kuugu galnay noogu shaqee, jaarnimada eeg, Gacalnimada eeg, Taariikhda eeg, Cadaaladda eeg” ayuu ugu dambeyntiina yiri guddoomiye Faysal Cali Waraabe.