Fiorentina oo 8 milyan ku dooneysa weeraryahanka Man Utd Javier Hernandez.

Javier Hernandez Chicharito ayaa ku socda wadadii uu kaga tegi lahaa Manchester United  iyadoo ay Fiorentina isku diyaarineyso inay dalab 8 milyan oo ginni ah u diraan weeraryahanka reer Mexico, sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Hernandez ayaa hadda keliya ku bilowday hal kulan oo Barclays Premier League ah, wuxuuna dooq ahaan weerarka kooxda uga dambeeyaa Robin van Persie, Wayne Rooney iyo Danny Welbeck.

Kooxdiisa ayuu la galay shan sano oo qandaraas ah 12 bilood ka hor, laakiin wuxuu u baqooli karaa Serie A ka dib markii ay ku adkaatay inuu helo boos joogta ah.

Kooxda ka dhisan Talyaaniga ayaa xidigaan u balan qaaday mushaar dhan 80 kun oo ginni isbuucii, waxeyna rajo ka qabaan inay sanada dambe ka qeyb galaan Uefa Champions League.

W/Q: Ahmed Farah Salaad Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.