Fiqi: “Dawladnimadii Somalia meel khatar ah ayey gaartay waxeyna noqoneysaa dhacdo taariikhda …..”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ku weeraray dowladda dhexe ee Soomaaliya kadib markii la faafiyey waraaq la sheegay inay kasoo baxday Xafiiska Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha, Dib u Heshiisiinta iyo Federaalka taasoo lagu sheegay in lagu taageeray go’aankii ay xalay soo saareen 17 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.

Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay qalad tahay inuu Wasiiru Dowle farageliyo Shaqada Wasiirka sida uu qabo Dastuurka Soomaaliya qodobkiisa 102.

Wuxuu wasiiru Dowlaha ku eedeeyey inuu horey khalalaaso uga kiciyey gudaha Wasaaradda markii uu ka hor imaaday go’aankii uu Cabdi Faarax Saciid Juxa ku sheegay inuu xilkii uga qaaday xoghayihii joogtada ahaa ee Prof. Yaxye markaas oo ay garta gaartay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo go’aamiyey inuu awoodda wasaaradda leeyahay Wasiirka isla markaasna ay sax tahay waraaqda Juxa.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso halka kasoo yeeray Axmed Macalin Fiqi: 

Dawladnimadii Soomaaliya meel khatar ah ayey gaartay waxeyna noqonaysaa dhacdo taariikhda ku qormi doonta, haddii warqaddani ka soo baxdey wasiiru dawlaha arrimaha gudaha ay noqoto mid sax ah oo ka soo baxday xafiiskaas..

Wasiiru dawlahaan waa ninkii kol hore soo saaray warqad sharci darro ah oo ka hor-imaanaysay xil ka qaadis uu sameeyey wasiirka arrimaha gudaha. waa wax aan socon doonin in waraaqaha dawladda loo adeegsado si sharci-darra ah oo ay ka muuqato xilkasnimo yari iyo garaad xumo shakhsiyaad lagu aaminay xilalal dawladeed ay ku dhaqaaqayaan ayagoo gashan dharkii dawladda.

Galmudug waxaa ka dhacaya lama weydiinayo wasiir dawlo xamar iska fadhiya, oo ku cayaaraya mas’uuliyaddii saarnayd ama loo adeegsanayo sidii la doono, ceeb ayaa ka muuqata warqaddaan iyo in xukuumaddu lugaha kula jirto burburinta maamulada dhisan, waa haddii ay warqaddani sax noqoto…

Waxaan arkaynaa mas’uuliyiin waaweyn oo fawdada iyo dhibaato-abuurku uu ka mid noqday waxqabadkooda u weyn, balse waxey moog yihiin waxa ay jidaynayaan oo sharci ku tumashao ah in ay ayaga dib ugu soo noqon doonto.